“Waligeey Ayaan Taageeri Jiray” – Guardiola Oo Shaaciyay Kooxda Uu Taageerayo Man United & Liverpool Axada


Pep Guardiola ayaa jawaab la yaab  leh bixiyay ka dib markii la weydiiyay haddii uu taageeri doono Manchester United kulanka ay isbuucaan la ciyaarayaan Liverpool.

Tababaraha Manchester City ayaa rajaynaya inay caawin ka helaan deriskooda maalinta Axada marka ay Man United garoonka Old Trafford ku soo dhaweyso Liverpool.

Reds ayaa hadda hogaanka u haysa horyaalka Premier League, iyagoo labo dhibcood ka sareyaa Arsenal, waxayna seddex dhibcood ka sareeyaan City oo kaalinta 3aad ku jirta.

Ka dib kulamada la ciyaarayo bartamaha isbuucaan, seddexda kooxood ayaa sidoo kale dheeli doona isbuuc dhamaadka, Man City waxay u safri doontaa Crystal Palace, Arsenal waxay wajaheysa Brighton halka kulanka ugu adag uu noqon doono midka u dhaxeeya Man United iyo Liverpool.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka ay City caawa martigelineyso Aston Villa. Guardiola aya la weydiiyay kulanka Axada iyo haddii uu taageeri doono kooxda Erik ten Hag.

Tababaraha reer Spain ayaa jawaab kajan ah bixiyay isagoo yiri: “Mar walba waxaan taageeraa Man United” ka hor inta aan la weydiinin haddii ay taasi run tahay, laakiin waxa uu yiri: “Maya runtii”

Guardiola ayaa rajeynaya inay Red Devils sameyso ku celiskii FA Cup ee bishii la soo dhaafay markaasoo United ay tartanka FA Cup ka reebtay Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*