Trent Alexander-Arnold Oo Shaaciyay Xiddiga Liverpool Ee Sababta U Ah Wacdaraha Ay Kooxda Ka Dhigeyso Premier League


Trent Alexander-Arnold ayaa amaanay tayada hogaamiyenimo ee kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ka dib markii Jurgen Klopp uu shaaciyay inuu shaqada Liverpool ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa ka yaabiyay dunida kubada cagta markii uu go’aankiisa ku dhawaaqay bishii Janaayo.

Wuxuu go’aankaas ruxay taageerayaasha iyo ciyaartoyda kooxda, laakiin Trent Alexander-Arnold ayaa sheegay inay dhiirogelin weyn u noqotay ka dib markii uu ciyaartoyda gubaabiyay kabtankooda.

Markii la weydiiyay haddii ciyaartoyda Liverpool ay doonayaan in tababaraha Jarmalka uu guulo iyo koobab ku baxo, Alexander-Arnold ayaa xaqiijiyay taas, isagoo sheegay inay aheyd wixii uu ka dalbaday Virgil van Dijk.

“Boqolkiiba 100. Waa wixii uu Virgil van Dijk inagu yiri markii Jurgen uu inoo sheegay go’aankiisa” ayuu yiri xiddiga Liverpool.

“Wuxuu inagu yiri: “Warkaan wuxuu noqon doonaa mid weyn oo ruxa dunida kubada cagta laakiin ma ogolaan karno inay ina saameyso, waa inaan u adeegsano dhiirogelin ahaan.

“Tababaraha wuxuu inagu hogaamiyay guulo badan, waxa uu inaga caawiyay inaan gaarno riyooyinkeena, sidaasi darteed abaal ayuu inaga mudan yahay iyo inaan u sameyno sida ugu fiican ee uu ku bixi karo.”

“Virgil wuxuu yiri haddii dadka ay moodaan in warkaan uu naga leexin doono hamigeena aan ka shaqeyno sidii aan u cadeyn laheyn inay qaldan yihiin”

Tan iyo markaas, Liverpool waxay bilowday inay koob walba xooga saarto si ay macsalaameynta Klopp uga dhigaan mid xusuus leh.

Bishii Febraayo waxay ku guuleysteen Carabao Cup oo ay ku garaaceen Chelsea, inkastoo ay FA Cup ka hareen waxay hadana u tartamayaan labo koob kale xilli ciyaareedkan.

Waxay wareega 8da Europa League la ciyaarayaan Atalanta bishaan April halka ay haatan hogaaminayaan horyaalka Premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*