Pep Guardiola Oo Weerar Ku Qaaday Roy Keane Oo Aflagaadeeyay Erling Haaland


Pep Guardiola ayaa ku weeraray Roy Keane hadalkiisii ahaa in Haaland uu u dheelo sida ciyaaryahan heerka afaraad ah, isagoo sheegay in Haaland uu yahay weeraryahanka ugu fiican dunida.

Guardiola ayaa duray Keane isagoo yiri: “Marka aan ciyaaraha ka fariisto ma dhaleeceyn doono dadka aan isku xirfadanahay.”

Halyeeyga Man United Roy Keane ayaa dheleeceeyay weeraryahanka Man City oo 81 gool u dhaliyay kooxda isagoo ku tilmaamay inuu u ciyaaro sida ciyaaryahan heerka afaraad ah ka dib kulankii Etihad ee ay Man City iyo Arsenal barbaraha galeen.

Markii la weydiiyay sida uu u arko hadalka Keane oo tababare ka soo noqday Sunderland iyo Ipswitch, Guardiola ayaa ku jawaabay: “Kuma raacsani wixii uu yiri. Waa sida anigoo dhahay Keane waa tababare heerka labaad ama seddexaad. Uma maleynayo.

“Sidaasi darteed Erling waa weeraryahanka ugu fiican dunida, wuxuu inaga caawiyay wixii aan sameynay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Guardiola ayaa sheegay inuusan fileynin inuu noqdo khabiir ciyaaraha falanqeeya marka uu ka fariisto tababarenimada isagoo dareensan inay cadaalad darro ah in ciyaartoydii hore ay ceebeeyaan ciyaartoyda hadda.

Waxa uu yiri: “La yaab ayay igu tahay marka hadaladaas ay ka soo yeeraan ciyaartooy hore. Waa sida garsoorayaasha marka ay fariistaan mar walba dhaleeceeya garsoorayaasha hadda.

“Taasi amakaak ayay igu noqotaa mar walba. Waa sida in xusuustooda ay dhaqso ku tirtirantay. Dhibaatooyinka ay ciyaartoyda hadda qabaan, kuwii horena way qabeen.

“Kumanaan iyo malaayiin fursadood ayay soo qasaariyeen, waxaana soo dhaawacay eedeymihii ay kala kulmeen ciyaartoydii iyaga ka horeysay.

“Ma garanayo waxa dhici doonta mustaqbalka laakiin ma noqon doono nin dhaleeceeya dadka ay isku xirfada yihiin marka aan shaqada ka fariisto.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*