Ratcliffe Iyo Man United Oo Cadaw Badan Ka Sameystay Premier League Ka Dib Howlgal Ay Sameeyeen.


Maamulka cusub ee Manchester United ayaa cadaw badan ka sameysanaya Premier League ka dib markii ay u dhaqaaqeen inay afduubtaan madax badan oo maamusha kooxaha Premier League.

Milkiilaha cusub ee kooxda Sir Jim Ratcliffe iyo shirkadiisa Ineos Sport ayaa ka careysiiyay Newcastle iyo Southampton ka dib markii ay u dhaqmeen si aan habooneyn iyagoo doonaya inay Dan Ashworth iyo Jason Wilcox ka dhigaan agaasimayaasha kooxda.

Waxay sidoo kale Manchester City ka soo afduubteen madaxa fulinta Omar Berrada.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in kooxaha kale ee horyaalka aysan ku faraxsaneyn sida ay u dhaqmayaan madaxda Old Trafford iyagoo doonaya inay jagooyin muhiim ah buuxiyaan xilli mustaqbalka Erik ten Hag uu shaki ku jiro.

Isla weynida madaxda cusub ee Man United ayaa noqotay hadal-heynta maamulada kooxda Premier League sida ay sheegtay The Sun.

Ratcliffe ayaa iibsaday boqolkiiba 25 saamiga Man United, wuxuuna la wareegay koontaroolka isboortiga kooxda kaliya lix isbuuc ka hor.

Laakiin bishii Febraayo waxay ka careysiiyeen Newcastle kuwaasoo shaqada ka joojiyay agaasimahoodii isboortiga Ashworth ka dib markii uu u sheegay inuu doonayo inuu u wareego Old Trafford.

Maalmihii la soo dhaafay waxay sidoo kale ka careysiiyeen Southampton ka dib markii uu iscasilay agaasimahoodii kubada cagta Jason Wilcox kaasoo jago sarre looga balanqaaday Man United.

Waxay Man United sidoo kale ka afduubatay kooxda ay deriska yihiin Omar Berrada oo Man United ka noqonaya madaxa fulinta.

Berrada ayaa sidoo kale isna shaqada Man City laga joojiyay ilaa iyo xagaaga ka dib markii la shaaciyay inuu United u wareegayo.

United ayaase cabaqad weyn ay ka heysataa magacaabista Ashworth iyo Jason Wilcox, waxaana la sheegay in Newcastle ay xaq u leedahay inay shaqo joojinta Ashworth ka dhigto ilaa labo sannadood halka Jason Wilcox uusan koox kale ku biiri karin ilaa muddo sannad ah.

Sida kaliya ee United ay labadaan nin ku heli karto waa inay Newcastle iyo Southampton siiyaan lacago magdhow ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*