Kulankii Premier League Ee Xalay Oo Laga Qaxay Qeyb Ka Mid Ah Garoonka & Sababta Oo La Shaaciyay


Boqolaal ka mid ah taageerayaasha kooxda Burnley ayaa lagu qasbay iany ka qaxaan qeyb ka mid ah garoonka Turf Moor qeybtii hore ee kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Wolves.

Kooxda tababare Vincent Kompany ayaa dhibic kale heshay iyagoo dagaal ugu jira inay ka badbaadaan u dhicida heerka labaad.

Jacob Bruun Larsen ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 37aad, laakiin Ryan Ait-Nouri ayaa u barbareeyay Wolves wax yar hor waqtigii nasashada.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaase waxaa dhacay arin walwal dhalisay markii taageerayaal badan laga qixiyay goobtii ay fadhiyeen markii codbaahiyaha lagu sheegay inay taageerayaasha ka dhaqaaqaan goobta loo tilmaamay.

Kooxda ayaa baraha bulshada soo dhigtay: “Taageerayaasha Burnley waxaa laga kaxeynayaa qeybta garoonka ee Jimmy McLlroy sababo la xiriira saqafka oo aan amaan aheyn.

“Waan uga mahadcelineynaa taageerayaasha wada shaqeyntooda iyo dulqaadkooda inta aan howshaan qabaneyno.”

Taageerayaasha ayaa laga qixiyay halkii ay fadhiyeen ka dib markii bir ka mid ah biraha celinayay saqafka garoonka ay soo jabtay iyadoo laga baqay inay madaxa uga dhacdo taagerayaal badan.

Barbaraha ay Burnley gashay ayaa la micno ah inay lix dhibcood u jirto booska lagu badbaado iyadoo todoba kulan ay ka harsan tahay ka dib markii Nottingham ay 3-1 kaga badisay Fulham kulankii City Ground.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*