DEG-DEG: Manchester United Oo Shaacisay LABA Dhaawac Ka Hor Kulamada Chelsea Iyo Liverpool


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay dhaawacyada laba ciyaartoy oo muhiim ah oo ka maqnaan doona labada ciyaarood ee adag ee Chelsea iyo Liverpool ee Khamiista iyo Axadda, kuwaas oo la sheeay in ugu yaraan muddo bil ah ay u jiifi doonaan dhaawacyadan cusub.

Difaaca reer Argentina ee Lisandro Martinez oo toddobaadkan kasoo laabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa isla markaana beddel kusoo galay ciyaartii Brentford ee Sabtidii ayaa mar kale dib u dhaawacmay oo muddo maqnaan doona.

Waxa kale oo Manchester United ay xaqiijisay, in difaaca dhexe ee Victor Lindelof uu muddo bil ah u jiifi doono dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Brentford ee Sabtidii oo markii uu garoonka ka baxay lagu beddelay Lisandro Martinez.

Manchester United oo kaalinta lixaad kaga jirta horyaalka Premier League, isla markaana 11 dhibcood ka dambaysa Aston Villa oo afraad fadhida ayaa waxa labadan dhaawac ee cusub ay jug weyn soo gaadhsiinayaan fursaddii ay ugu dagaallamayeen kaalinta afraad.

Manchester United oo tartanka ugu weyn ee ay ku dagaallamayso uu yahay sidii ay usoo geli lahayd kaalinta afraad iyo tartanka FA Cup oo ay wareegga semi-finalka la dheeli doonaan Coventry City, ayaa labadan ciyaartoy ee dhaawacmay ay wiiqi doonaan fursadihii ay ay haysteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*