Barcelona Oo Ay Xisaabtu Ka Qasantay Ka Hor Ciyaarta PSG Ee Wareegga Siddeedda Champions League


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa walaacsan ka hor kulanka lugta hore ee wareega sideedda tartanka Champions League oo ay iska hor iman doonaan Paris Saint-Germain oo uu tababare u yahay macallinkii hore ee Barca ee Luis Enrique.

Barcelona ayaa rajaynaysay inay dib u heli doonto labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee Pedri iyo Frenkie de Jong oo dhaawacyo ku maqnaa usbuucyadii ugu dambeeyey, hase yeeshee wararka laga helayo Spain ayaa sheegaya in ciyaarta lugta hore ay waqti hore ku tahay oo aanay wax fursad ah u haysanin.

De Jong iyo Pedri ayaa ku dhaawacmay ciyaartii Athletic Bilbao ee garoonka San Mames ee horraanta bishii March, waxaana xaaladda labadan ciyaartoy uga sii daray dhaawacyo hore usoo gaadhay xilli-ciyaareedkan.

Pedri ayaa waxa uu isugeyn ka maqan yahay 19 kulan oo ay kooxdiisu dheeshay xilli-ciyaareedkan, halka Frenkie De Jong uu 15 ciyaarood oo kooxdiisa ah seegay.

Tababare Xavi Hernandez oo ka hadlay dhaawacyada labadan ciyaartoy ayaa xaqiijiyey in aanu midkoodna taam u noqon doonin kulanka PSG ee lugta hore, waxaanu yidhi: “Waa wax laga xishoodo, in aanu Pedi uu dhaawacan yahay, laakiin waxa uu soo noqon doonaa isaa oo ka xooggan sidii hore. Idinma siinayo waqti cayiman oo uu soo noqonayo, laakiin ciyaartani waqti hore ayay ku tahay.”

Sidoo kale, waxa uu Xavi sheegay in Frenkie de Jong iyo Pedri ay bilaabeen tababarka fudud laakiin ciyaarta PSG ee toddobaadka dambe ay waqti hore ku tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*