Arsene Wenger Oo Shaaciyey In ‘Xiddigii Uu Saxeexiisa U Waalanayey’ Uu Hadda Uu Joogo Arsenal


Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa daboolka ka qaaday xiddig uu in badan isku dayey inuu keeno Gunners waqtigii uu tababaraha ka ahaa, laakiin hadda ay nasiib u yeelatay kooxdiisa hore inay gacanta ku dhigto, kaas oo noqday halbowle lama taabtaan ka ah Emirates Stadium.

Arsene Wenger ayaa ka tegay Arsenal badhtamaha sannadkii 2018, isaga oo soo afjaray 22 sannadood oo uu ahaa tababaraha Arsenal.

Waxa intii aanu ka tegin Arsenal uu Wenger isku dayey inuu la saxeexdo xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard oo waqtigaas ay da’diisu ahayd 15 jir kna tirsanaa kooxda Stromsgodset.

Kooxo waaweyn oo reer Yurub ayaa ku tartamayay saxeexa Odegaard, sida Manchester United, Bayern Munich iyo Arsenal, laakiin waxa intoodaba ka hor qaadday Real Madrid oo adeegsatay Zinedine Zidane oo uu laacibkani taageere u ahaa.

Arsene Wenger oo ka jawaabayey su’aal uu weydiiyey halyeyii Arsenal ee Frddie Ljungberg oo ahayd inuu doonayey Odegaard sannadkii 2015 ka hor intii aanay Real Madrid la saxeexan ayaa ku jawaabay: “Haa, si fiican ayaan u xasuustaa Odegaard.

“Si waalli ah ayaanu saxeexiisa uu daaallanay. Waxa aanu keenay garoonka tababarka oo uu hal maalin nala joogay, waan xasuustaa in Steve Morrow uu iigu keenay tababarka isaga iyo aabbihii.

“Waxa uu isoo xasuusiyey Fabregas, aragtidiisa fiican, tayadiisa farsamo oo fiicanayd, inuu ahaa xirfadle koox la-ciyaar ah. Waxa aad arki karaysay in uu ahaa ciyaartoy cajiib ah, laakiin isaga ayaa doortay inuu tago Real Madrid.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*