Waa Maxay Sababta Waqtiga Lama-filaanka Ah Looga Dhigay Ciyaarta Man United vs Liverpool Ee Axadda?


Manchester United iyo Liverpool ayaa maalinta Axadda ee April 7 waxa ay isku haleeli doonaan ciyaartoodii uu dambaysay ee Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana uu culays badan saarnaan doonaa Liverpool oo u halgami doonta inay guul ka keento ciyaartan si aanay fursad u siinin kooxaha ay horyaalka isku haystaan ee Arsenal iyo Manchester City.

17kii March ayay Manchester United 4-3 kaga adkaatay Liverpool oo marti ku ahayd Old Trafford kulan ka tirsanaa wareegga siddeedda FA Cup, waxaana Jurgen Klopp uu doonayaa inay kooxdiisu aargoosato.

Axadda ayaa waxa ciyaartooda Manchester United iyo Liverpool loo qoondeeyey waqti aan looga baranin kulamada waaweyn ee maalintaas oo kale la ciyaaro, waxaana laga soo horreysiiyey xilligii looga bartay.

Marka ay saacadda Afrikada bari tahay 5:30pm oo ku began 3:30pm waqtiga UK ayay ciyaartu bilaabmi doontaa, waxaanay hal saac kasoo horreysaa waqtigii la dheeli jiray kulamada noocan oo kale ah.

Premier League oo sharraxaad ka bixiyey sababta labada kooxood ee ugu waaweyn horyaalka Premier League ay waqtigan u dheelayaan halkii ay ka ahayd inay ciyaartu bilaabanto 4:30pm waqtiga UK, waxaana lagu sheegay in ay sababtu tahay booliska oo dalbaday in waqti hore ay ciyaartu dhamaato si inta iftiinka ah ay taageereyaashu uga dareeraan garoonka.

Taageereyaasha labada kooxood ayaa lagu yaqaannaa inay xafiilamaan oo uu ka dhexeeyo loollan adag oo salka ku haya taariikhda labada kooxood oo ah kuwa ugu guulaha badan kubadda cagta Ingiriiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*