Curtis Jones, Andy Robertson, Alexander-Arnold – Xogtii U Dambaysay Ee Xiddigaha Ka Dhaawacan Liverpool


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib u heshay xiddigo muhiim ah ka hor kulanka Sheffield United ee horyaalka Premier League ee Khamiista, kaas oo haddii ay guuleystaan ay sii haysan doonaan hogaanka horyaalka Premier League.

Kooxda tababare Jurgen Klopp oo Axaddii guul soo laabasho 2-1 ah ka gaadhay Brighton ayaa waxa usoo laabtay ciyaartooyo dhaawac kaga maqnaa kulankaas, kuwaas oo taam ahaanshahoodu imanayo iyadoo ay kooxdoodu hoggaanka hayso.

Arsenal iyo Manchester City oo Arbacada ciyaaraya ayaa isbeddel kusii samayn karaya hoggaanka oo si ku-meelgaadh ah Liverpool u garbin doona haddii ay guuleystaan, laakiin Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa looga baahan yahay inay saddex dhibcood ka xayuubsato naadiga ugu hooseeya horyaalka Premier League.

Kulankii Brighton, waxa Liverpool ay dib u heshay Ryan Gravenberch oo soo galay labadii daqiiqadood ee ugu dambeeyey, waxaanay u ahayd ciyaartiisii uu horreysay tan iyo finalkii Carabao Cup ee February.

Ibrahima Konate ayaa sidoo kale kusoo laabtay tababarka kooxdiisa oo kaydka fadhiyey ciyaartii Axaddii, waxaana uu ugu dambayntii taam buuxa u yahay kulanka Sheffield United.

Halkan kaga bogo xiddigaha kale ee ka dhaawacan Liverpool iyo waqtiga ay soo noqonayaan:

Curtis Jones – Ciyaarta Sheffield United ee Khamiista April 4.

Andy Robertson –  Ciyaarta Sheffield United ee Khamiista April 4.

Trent Alexander-Arnold – Bishan April dhaxdeeda April.

Diogo Jota – Bishan April dhaxdeeda

Alisson Becker – Dhamaadka bisha April ama horraanta bisha May.

Stefan Bajcetic – Dhamaadka bisha April ama horraanta bisha May.

Thiago Alcantara – Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Joel Matip – Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Ben Doak – Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*