Yuhuudda Oo Sabab U Noqotay In Xulka Germany Laga Mamnuuco Isticmaalka No.44


Shirkadda Adidas ayaa shaacisay daabacaadda lambarka 44 ee dharka xulka qaranka Germany, taas oo ka dhigan in aanay ciyaartoyda dalkaasi xidhan doonin lambarkan tartanka qaramada Yurub iyo xataa inta ka dambaysa.

Sababta loo mamnuucay dharkan ayaa lagu sheegay in uu u dhowaado calaamaddii Nagi-ga, isla markaana loo isticmaali karayo qaabab nacayb iyo qalalaase ah.

Xulka Germany oo martigelinaya tartanka Euro 2024 ayaa waxa in mamnuucistan la sameeyo sabab u noqotay naqshada ay lambarkan ku samaysay shrikadda Adidas, taas oo u dhowaatay calaamadda Nazi SS ee dagaalkii labaad ee adduunka uu isticmaali jiray Hitler oo xasuuq u geystayYuhuudda, kuwaas oo adduunyada ka dhaadhiciyey in hadal-qaadka Nazi-ga iyo calaamadihiisuba ay yihiin dembi, taas oo lala qaatay.

Xidhiidhka kubadda cagta Germany ee DFB ayaa ayiday go’aanka shirkadda Nike, waxaana ay sidoo kale ka dhaadhiciyeen shirkadda Adidas in aanay samaynin garamada noocan ah iyagoo taageereyaashana usoo jeediyey in aanay iibsanin garamada ay ku qoran yihiin No.44.

UEFA ayaa dib u eegis ku samaynaysa calaamadaha dharka ay ciyaartoydu xidhanayaan si loo hubiyo in ay soo geli karayaan calaamado muujinaya nacayb.

Adidas ayaa ahayd shirkadda soo saarta dharka xulka qaranka Germany tan badhtamaha 1950-meeyadii, laakiin xidhiidhka kubadda cagta Germany ee DFB ayaa go’aansaday in laga bilaabo sannadka 2027 ay la xidhaan oo ay dharkooda samayso Nike, sababo la xidhiidha buuq siyaasadeed oo ka dhashay naqshadaha Adidas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*