“Ina Dh***lo” – Kylian Mbappe Oo Aflagaaddeeyey Tababarihiisa Luis Enrique


Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa aflagaaddeeyey tababaraha kooxdiisa PSG kaddib uu beddelay ciyaartii Marseille ee horyaalka Ligue 1 ee Axaddii, taas oo uu garoonka ka baxay daqiiqaddii 64aad.

Kylian Mbappe ayaa si joogto ah looga saarayey ciyaaraha kooxdiisa shantii usbuuc ee ugu dambeeyey mana jirto ciyaar uu dhamaystay iyadoo laba jeer la beddelay waqtigii nasashada, hal marna la keenay oo uu beddel kusoo galay dhamaadka ciyaarta oo ay 15 daqiiqadood ka hadhsan tahay.

Xidhiidhka u dhexeeya tababare Luis Enrique iyo Kylian Mbappe ayaa xumaaday markii uu laacibkani kooxdiisa ku wargeliyey in uu ka tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda oo uu si xor ah ugu wareegi doono Real Madrid, inkasta oo aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.

25 jirkan ayaa la arkayey isaga oo cadhaysan oo kasii baxaya garoonka, waxaana uu si toos ah u galay qolka labbiska isaga oo tababarahana aflagaaddeeyey.

Sida uu qoray wargeyska Footmercato ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, Kylian Mbappe ayaa tababare Luis Enrique ku yidhi: “Waxa aad tahay ina dh***lo”, hase yeeshee tababare Luis Enrique ayaan arrintan la wadaagin saxaafadda.

Si kastaba ha ahaatee, aflagaaddada uu Kylian Mbappe kula kacay tababarihiisa ayaa waxa ay muujinaysaa in laacibkan ay uga dhamaatay kooxda, halka go’aamada lagu beddelayana uu Luis Enrique ku tilmaamay inay ku jirto ‘danta iyo maslaxadda’ kooxdu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*