DEG-DEG: Premier League Oo Garsoore Ay Neceb Tahay Liverpool U Magacaabay Kulanka Axadda Ee Man United vs Liverpool


Xidhiidhka garsoorka Ingiriiska ee PGMOL ayaa shaaciyey garsooraha qaban doona kulanka horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Liverpool ee maalinta Axadda, waxaana durba cadhaysan Jurgen Klopp oo aan jeclayn garsoorahan.

Liverpool ayaa maalinta Axadda u tegi doonta Manchester United oo ay ku booqanayso garoonka Old Trafford, waxaanay u baahnaan doonaan inay guuleystaan si ay usii hayaan hogaanka horyaalka Premier League oo ay hadda laba dhibcood ka sarreeyaan Arsenal.

Liverpool oo toddobaad ka hor guul-darro 4-3 ah ay Manchester United usoo xambaarisay, isla markaana ka reebtay tartanka FA Cup oo wareegga sideedda maraya, ayaa waxa ay u tegi doontaa halkaas si ay usoo aargoosato isla markaana hoggaanka ugu sii negaato.

Ciyaartan ayaa waxa loo doortay inuu garsoore ka noqdo Anthony Taylor oo afar jeer oo hore oo uu soo qabtay kulamo ay Liverpool ciyaartay aanay ka keenin natiijooyin wanaagsan, waana sababta ay u dhibsadeen in mar kale uu kusoo noqdo.

Afartii ciyaarood ee hore ee uu garsoore Anthony Taylor soo dhax-dhaxaadiyey kulamadii ay ciyaartay Liverpool, ayaa waxa Jurgen Klopp uu kaliya guuleystay hal mar, waxaanay ahayd curashada sannadkii cusbaa oo ay 4-2 ku karbaasheen Newcastle.

Saddexda ciyaarood ee kale ayaa laba ka mid ah ay barbarro la galeen kooxaha Chelsea iyo Brighton, halka Arsenal ay 3-1 ku garaacday ciyaartii Emirates Stadium ee horyaalka Premier League.

Markii ugu dambaysay ee uu Anthony Taylor  garsoore ka noqdo ciyaar ay wada dheelayaan Liverpool iyo Manchester United waxay ahayd barbarrihii garoonka Anfield ay goolal la’aanta ku kala baxeen October 2016, halka markii labaadna ay ahayd shan sannadood kaddib oo ay Liverpool 5-0 ku xasuuqday Manchester United oo joogtay garoonkeeda Old Trafford, waxaana ciyaartaas uu casaan toos ah siiyey Paul Pogba oo qalad ku galay Naby Keita.

PGMOL ayaa waxa garsooraha VAR uu u magacaabay John Brooks oo uu gacanyare u yahay Richard West iyadoo garsooraha afraadna uu noqonayo Craig Pawson. Calanwadeyaasha ciyaartan ayaa loo magacaabay Gary Beswick iyo Aadam Nunn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*