Real Madrid mise Man Cty? Pedri Oo Saadaaliyey Finalka Champions League Iyo Rajada Kooxdiisa


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Pedri oo kasoo kabanaya dhaawac muruqa ah, ayaa waxa uu saadaaliyey semi-finalka Champions League ee xilli-ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa kaga sii farxiyey fikirkiisa ah inay kasoo gudbi doonaan PSG isla markaana tegi doonaan afar dhamaadka.

Pedri ayaa waxa kale oo uu saadaaliyey finalka Champions League oo uu si toos ah u magacaabay labada kooxood ee uu isla doonayo.

Barcelona ayaa haddii ay kasoo gudubto PSG waxa ay waajihi doontaa oo ay semi-finalka iskugu iman doonaan Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund midkooda soo badiya.

Sidoo kale, Real Madrid iyo Manchester City ayaa midkooda soo gudba waxa uu waajihi doonaa Bayern Munich iyo Arsenal kooda soo baxa, taas oio ka dhigan in Barcelona ay ka badbaadayso Real Madrid, Manchester City, Bayern Munich ama Arsenal inta ka horreysa finalka oo lagu ciyaari doono garoonka Wembley marka ay taariikhdu tahay June 1, 2024.

Pedri oo la weydiiyey fikraddiisa labada kooxood ee iskugu iman doona finalka Champions League ayaa waxa uu yidhi: “Waxay ila tahay in Barcelona iyo Manchester City ay iskugu iman doonaan. Sidoo kale, ma xuma Barcelona vs Real Madrid.

“Annagu waxa aanu nahay Barca, aad ayay u adag tahay (ku guuleysiga Champions League), laakiin dabcan waanu ku guuleysan karnaa. Waxa aan arkayaa in da’yarta Barcelona ay kalsooni badan qabaan, kuna jiro damac ah inay ku guuleystaan Champions League.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*