DEG-DEG: Koox Weyn Oo Premier League Ah Oo Shaqada Ka Caydhinaysa Tababaraheeda


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la sheegayaa inay suurtogal tahay inay dhacaan isbeddelo tababare oo ay kooxaha qaarkood samayn doonaan inta aanu dhamaanin xilli-ciyaareedkan socda ee gabogabada ah.

Sagaal ciyaarood ayaa ka hadhay waqtiga uu dhamaanayo horyaalka Premier League, waxaana quus taagan naadiyo saluug weyn ka qaba natiijooyinka ay ka keenayaan garoomada.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la sheegay in ay doonayso inay shaqada ka caydhiso tababare Mauricio Pochettino oo usbuucan ay kooxdiisu gashay barbarro niyad-jab ah oo sababay inay kusii negaadaan kaalinta 11aad ee miiska kala-sarraynta horyaalka.

Chelsea oo xilli-ciyaareedkii labaad ka hoosaysa badhtamaha miiska-kala sarraynta ayaa waxa ay maamulkeedu isla qaateen inay qasab tahay in la sameeyo isbeddel, waxaana go’aankoodu uu xoogaystay markii ay Blues garoonkeeda Stamford Bridge barbarro kula gashay Burnley oo 10 ciyaartoy ku dheelaysay Sabtidii.

Xilli-ciyaareedkii hore, Chelsea ayay iska beddeleen saddexda tababare ee Thomas Tuchel, Graham Potter iyo Frank Lampard, waxaana xagaagii la wareegay Mauricio Pochettino oo ay filayeen inuu tubta guusha kusoo celin doono, balse hadda rajadaasna waxa ay u muuqataa mid gabaabsi ah.

Todd Boehly iyo Behdad Eghbal oo hore loogu canaantay caydhintii Thomas Tuchel oo ay ku degdegeen ayaa waxa la sheegay in maalmaha soo socda ay gaadhi doonaan go’aanka kama dambaysta ah ee tababare Mauricio Pochettino, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan in la eryi doono marka uu xilli-ciyaareedku dhamaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*