Iska Illow Bellingham, Vinicius Jr & Brahim Diaz: Florentino Perez Oo Tilmaamay Xiddiga Lama-finaalka Ah Ee Real Madrid Ee Ku Guuleysanaya Ballon d’Or


Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa daboolka ka qaaday xiddig lama filaan ah oo uu rumaysan yahay inuu ku guuleysan doono abaal-marinta ciyaartoyga ugu wanaagsan sannadka ee Ballon d’Or.

Los Blancos oo siddeed dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka LaLiga ayaa waxa ay Axaddii 2-0 ku karbaashtay Athletic Bilbao oo marti ugu ahayd Santiago Bernabeu, waxaana laba gool oo qurux badan u dhaliyey Rodrygo Goes.

Xiddiga reer Brazil ayaa goolka hore ka toogtay masaafo 20 yard ah, ka hor intii aanu difaacyahannada Athletic Bilbao goysmo kusii xeeladaynin goolka labaadna si xarrago ah u dhamaystirin.

Rodrygo ayaa hoggaaminayey weerarka kooxdiisa maadaama uu ganaax ku maqnaa Vinicius Junior, sidoo kalena waxa usoo laabtay Jude Bellingham oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey kooxdiisa ku maqnaa ganaax.

Sida uu qoray wargeyska Defensa Central, madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo daawanayey kulankii Athletic Bilbao ee garoonka Santiago Bernabeu ee uu labada gool dhaliyey Rodrygo ayaa waxa uu sheegay in uu laacibkan reer Brazil ku guuleysan doono abaal-marinta Ballon d’Or.

Perez oo la hadlay Defensa Central ayaa yidhi: “Rodrygo waxa uu ku guuleysan doonaa Ballon d’Or.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*