DAAWO: Bernardo Silva Oo Beddelay Aragtidiisa Kooxda Ku Guuleysanaysa Premier League


Xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva ayaa bddelay maskaxdiisa iyo aragtidiisii ku aaddanayd in kooxdiisa Manchester City ay ku guuleysanayso horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedkan.

Manchester City oo barbarro 0-0 ah la gashay Arsenal Axaddii shalay, ayaa waxa ay ku jirtaa kaalinta shanaad oo ay saddex dhibcood ka dabayso Liverpool oo horyaalka hoggaaminaysa, halka Arsenal oo labaad ku jirtana ay dhibic ka dambeeyaan.

City oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysatay horyaalka Premier League, ayaa waxa ay hadda rajadeedu ku xidhan tahay in ay dhibco lumiyaan labada kooxood ee ka sarreeya.

Bernardo Silva oo waraysi siiyey telefishanka Sky Sports kaddib ciyaartii Arsenal ayaa la weydiiyey fursadda kooxdiisa ee ku guuleysiga horyaalka Premier League, waxaanu ku jawaabay: “Waxyaabo badan ayaa dhici karaya, sababtoo ah toddoba ciyaarood ayaa hadhsan, miyaanay sidaas ahayn?”

Wariyaha Sky Sports ee Patrick Davison ayaa saxay Silva oo ku yidhi: “Sagaal ciyaarood ayaa hadhsan”

Bernardo oo hadalka kusoo noqday ayaa intaas kaddib yidhi: “Sagaal aa? Annaga way noo fiican tahay taasi. Waxa aan u malaynayey toddoba ama siddeed laakiin sagaalku way noo fiican yihiin sababtoo ah waxyaabo badan ayaa dhici karaya.”

Wariyaha ayaa si kaftan ah ugu yidhi: “Ma waxaad u jeeddaa waanu soo laaban karaynaa?”, waxaana Silva uu ku jawaabay: “Haa, waanu soo laabanaynaa. Laakiin annaga naftayada waxba kuma xidhna. Waxa aanu ku xidhanahay Liverpool iyo Arsenal sababtoo ah annagu iyaga mar dam be lama ciyaarayno, markaa waxa aanu u baahanahay in ay iyagu dhibco lumiyaan iyo in aanu annagu shaqadayada qabsano oo aanu guuleysano kulamada aanu dheelayno.”

Manchester City ayaa kulamada adag ee u hadhay ee Aston Villa iyo Tottenham waxa ay ku dheeli doontaa garoonkeeda.

Halkan ka daawo waraysiga Bernardo Silva:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*