Premier League Oo Go’aaminaya In Liverpool Iyo Man City Ay Ciyaaraan Kulan Lagu Kala Saarayo Haddii Ay Isku Dhibco Noqdaan


Liverpool iyo Manchester City ayaa lagu kala saari doonaa ciyaar ku celis ah haddii ay isku dhibco noqdaan kulanka ugu dambeeya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League iyaga oo wada-jir u hoggaaminaya horyaalka, laakiin Arsenal ayay xaaladdeedu ka duwanaan doontaa.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo hadda ay hogaanka u hayso Liverpool oo laba dhibcood ka sarraysa Arsenal oo labaad fadhida iyo Manchester City oo saddex dhibcood ka dam baysa, ayaa waxa caadiyan uu ku dhamaadaa 38 ciyaarood oo ay koox walba dheesho.

Laakiin sannadkan ayaa waxa kulamada ay ciyaarayaan kooxaha Liverpool iyo Manchester City ay noqon karaan 39 ciyaarood, iyadoo kaliya labadooda min hal kulan oo ay iyagu is-waajahaan ay dheeli doonaan.

Xaaladdan dhif iyo naadirka ah, ayaa waxa aan geli doonin Arsenal oo iyadu aan ciyaar ku-celis ah oo lagu kala saarayo aan kooxna la yeelan doonin, xataa haddii ay ka sinmaan dhibcaha, goolasha iyo waxyaabo kale.

Bishii October, Arsenal ayaa waxa ay 1-0 kaga adkaatay Manchester City oo ay Axaddii shalayna la gashay barbarro goolal la’aan ah, halka Liverpool ay kualnkii Anfield kusoo kala baxeen 1-1, ciyaartii xigtay ee Emirates Stadium na ay 3-1 ku garaacday.

Arrintan ayaa ka dhigan in Arsenal ay min afar dhibcood ka qaadatay labada kooxood ee ay xafiiltamayaan, waxaana haddii ay ka sinmaan dhibcaha iyo goolasha loo eegi doonaa kulamadii ay iyagu wada ciyaareen.

Dhinaca kale, Liverpool iyo Manchester City ayaa labadii ciyaaroodba ee horyaalka Premier League ee ay iska hor yimaaddeen xilli-ciyaareedkan waxa ay ku dhamaysteen bararro, tanina waxa ay keeni doontaa in haddii ay ka sinnaadaan dhibcaha iyo goolasha ay dhaliyeen, sidoo kalena dhinaca akhlaaqadda amaba kaadhadhka ay isku mid ka noqdaan in ay ciyaaraan kulan lagu kala saarayo.

Sidee ayay ku dhacaysaa arrintani

  • Haddii Liveprool iyo City ay dhibco isku mid ah ku dhamaystaan horyaalka, farqiga goolasha ayaa lagu kala saarayaa.
  • Haddii farqiga goolashu isku mid noqdaan, kooxda goolasha ugu badan dhalisay ayaa la siin doonaa horyaalka.
  • Haddii labada kooxood ay wali isku mid kasii ahaadaa, dhibcaha, farqiga goolasha iyo tirada goolasha ay dhaliyeen, waxa la eegi doonaa natiijooyinka kulamadii ay iyagu wada ciyaareen.
  • Haddii kulamadii ay wada dheeleenna isku mid noqdaan (labadii ciyaaroodba barbarro ayay ku dhamaysteen), waxa mudnaanta yeelan doonta kooxda goolasha ugu badan kusoo dhalisay bannaanka (garoonka martida) kulamadoodii ay wada ciyaareen.
  • Haddii ay isku isku mid noqdaan goolashii ay labada garoon ku kala dhaliyeen, waxa loo dhigi doonaa ciyaar kucelis ah oo garoon dhax-dhaxaad ah (Wembley) ay ku ciyaari doonaan.
  • Maamulka Premier League ayaa waxa kale oo looga baahan doionaa inuu bixiyo tafaasiil dheeraad ah, sida garoonka iyo waqtiga ay noqonayso ciyaartaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*