SAADAAL: Liverpool, Arsenal mise Man City? Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Horyaalka Premier League


Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib kulamadii usbuucan oo ay kasoo baxeen natiijooyin kala reebay kooxihii isku haystay figta sare oo ahaa Manchester City, Liverpool iyo Arsenal.

Manchester City iyo Arsenal ayaa fursad siiyey Liverpool oo hoggaanka kali uga dhigay markii ay ciyaartoodii garoonka Etihad Stadium ee Axaddii dhibcaha ku qaybsadeen barbarro goolal la’aan ahaa, halka Liverpool ay 2-1 kaga adkaatay Wolves oo ay laba dhibcood oo nadiif ah ku hogaaminayso horyaalka.

Supercomputer oo adeesanaya macluumaadka Opta ayaa waxa uu saadaaliyey kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League isaga oo ka duulaya xogtii u dabaysay ee natiijooyinka kulamadii Axaddii.

Liverpool ayuu Supercomputer ugu bushaareeyey horyaalka Premier League, halka Manchester City uu u sheegay inay soo cidhiidhsan doonto kaalinta labaad oo ay Arsenal u dhici doonto kaalinta saddexaad, taas oo haddii ay rumowdo niyad-jab weyn ku noqon doonta Gunners.

Supercoputer-ka Opta oo 10,000 jeer wareejiyey saadaasha, ayaa waxa uu sheegay, in fursadda ay Liverpool ugu guuleysan karayso horyaalka Premier League ay tahay 47.% boqolkiiba, waxaana fursaddoodu ay korodhay 12.4% kaddib guushii ay ka gaadheen Brighton.

Manchester City oo hore ay fursaddeedu u ahayd 45.9% ayaa hadda hoos ugu dhacday 33.5%, waxaana lasii degtay natiijada ciyaartii Arsenal ee ay barbarraha goolal la’aanta ah galeen.

Arsenal oo hore u ahayd kooxda ugu fursadda fiican, ayaa waxa ay hadda fursaddeedu noqotay 18.8%, waana saadaal niyad-jab ku ah Gunners oo u dagaallamaysa inay ku guuleysato horyaalkeedii ugu horreeyey ee Premier League ee tan iyo sannadkii 2004.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*