Saxeexa Ay Ku Dagaallamayaan Liverpool & Man United, Xabi Alonso Oo Tegaya Real Madrid, Xiddiga Ay Barca Suuqa Dhigtay Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Liverpool ayaa go’aansatay inay ku biirto dagaalka ay Manchester United iyo Chelsea ugu jiraan 19 jirka khadka dhexe ee reer Portugal ee Joao Neves oo qandaraaskiisa Benfica lagu burburin karayo 120 milyan oo Euro. (Sport Witness)

Manchester United iyo Manchester City ayaa xiisaynaysa saxeexa difaaca kooxda Bayer Leverkusen iyo xulka Netherlands ee Jeremie Fimpong. (Sun)

Leeds United ayaa haddii ay usoo dallacdo horyaalka Premier League, waxa ay dib ula saxeexanaysaa laacibkeedii hore ee Kalvin Phillips, balse Manchester City ayaa ku xidhaysa £30 milyan oo Gini. (Sun)

Newcastle waxa ay dardar gelin doontaa raadinta difaac dhexe xagaaga, waxaana sidoo kale ay doonayaan inuu heshiis cusub saxeexo 32 jirka reer England ee Paul Dummett. Hore waxa qandaraas cusub u saxeexay Jamaal Lascelles oo sagaalka bilood ee soo socda ku maqnaan doona dhaawac. (Newcastle Chronicle)

Barcelona ayaa diyaar u noqotay inay dhegaysato dalabyada laga soo gudbinayo Raphinha, si lacagta ay ka helaan ay qayb uga noqoto furdaaminta culaysyada dhaqaale ee ku habsatay kooxdan, laakiin laacibka reer Brazil ayaa la sheegay inuu diiddan yahay inuu ka tago Camp Nou. (Sport)

Maamulka sare ee Real Madrid ayaa doonaya in Xabi Alonso uu noqdo beddelka Carlo Ancelotti marka uu dhamaado qandaraaskii cusbaa ee ay ka saxeexeen khabiirka Talyaaniga sannadka 2026. Alonso oo iska diiday Liverpool iyo Bayern Munich ayaa sii joogaya Leverkusen xilli-ciyaareedka dambe, waxaanay Madrid doonaysaa inuu sannad kalena sii joogo Bundesliga kaddibna noqdo beddelka Ancelotti. (Football Espana)

Tottenham waxa ay qorshaynaysaa inay amaah ku dirto Alejo Veliz oo 20 jir ah, si uu usoo helo fursad ciyaareed. Weeraryahankan reer Argentina ayaa waxa uu ku dhibaatoonayaa Sevilla oo amaah kusoo qaadatay xagaagii. (Fabrizio Romano)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*