Luis Enrique Oo Mar Kale Ka Careysiiyay Kylian Mbappe & PSG Oo U Muuqata Inay Ciqaabeyso Xiddiga Faransiiska


Kylian Mbappe ayaa wajahaya xaalad xun xilli ciyaareedkiisii ugu danbeysay ee kooxda Paris Saint-Germain iyadoo tababare Luis Enrique uu qaadayo talaabooyin ka careysiinaya xiddiga Faransiiska.

“Wax walba waa suurtogal nolosha” ayuu yiri Luis Enrique markii la weydiiyay suurtogalnimada uu Mbappe ku ciyaari karin kulankii Marseille.

Xiddiga ku dhow inuu ku biiro Real Madrid Kylian Mbappe, wuuu ku soo bilowday ciyaarta laakiin mar kale ayaa hadana la bedelay.

Xiisada u dhaxeysa Mbappe iyo tababare Enrique ayaa meel xun gaartay markii Mbappe la bixiyay daqiiqadii 65aad isagoo lagu bedelay Goncalo Ramos oo shabaqa soo taabtay kulankii ay 2-0 ku badiyeen.

Mbappe waqtigaan wax falcelin muuqata ah kama bixinin bedelka lagu sameeyay inkastoo tilmaamo wajigiisa ah bixiyay. Markii uu kursiga keydka tagay ma uusan salaamin Enrique wuxuu salaamay asxaabtiisa kooxda iyo shaqaalaha kale ee tababarka.

Ma uusan dhameysanin inuu ciyaarta kursiga keydka ka daawado. Wuxuu durbadiiba aaday qolka labiska isaga iyo Ousmane Dembele oo isna sidoo kale la bedelay.

Laakiin waqtigaan marmarsiiyo ayuu heystay madaama uu qoyanaa roobkii ka da’ayay garonka Velodrome darteed.

PSG ayaa u muuqata inay ciqaabeyso xiddigeeda madaama todobadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka Faransiiska uu kaliya dhameystay hal ciyaar.

Ciyaarta ka dib waxa uu Mbappe sawirka markii la bedelayay uu soo dhigay Instagram isagoo aan soo raacinin wax qoraal ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*