Ancelotti Oo Ka Jawaabay Cabashada Pep Guardiola Ka Hor Kulankooda Champions League


Jadwalka kubada cagta ayaa muran dhalinaya maalinba maalinta ka danbeysa. Kooxaha qaar waxay ka qabanayaan inaysan heysan waqti ay ku nastaan halka kuwa kale ay ka cabanayaan in waqti dheer ay fasax yihiin taasoo saameyn karta ciyaartoydooda.

Guardiola ayaa cabasho ka muujiyay jadwalka kooxdiisa Man City ee ka hor kulanka Real Madrid ee wareega sideed dhamaadka Champions League.

Ka dib barbarihii ay Arsenal la galeen shalay, waxay habeenka Arbacada la ciyaari doonaan Aston Villa, ka dib Crystal Palace ayay la dheelayaan Sabtida. Waa labo kulan oo ay ciyaarayaan ka hor inta aysan Talaadada booqanin Bernabeu halka Real Madrid ay heysato sagaal maalmood oo nasasiino ah.

“Waxaan Aston Villa la ciyaareynaa habeenka Arbacada ka dib duhurnimada Sabtida waxaan la dheeleynaa Crystal Palace, ka dib waxaan Talaadada u safreynaa Madrid. Madrid” ayuu yiri Pep Guardiola.

“Madrid waxay heystaan sagaal maalmood oo ay isku diyaariyaan, sagaal maalmood. Kulankooda isbuucaan ka dib ma ciyaarayaan ilaa iyo ciyaarteena. Waxaan jeclaan lahaa in hal maalin oo fasax ah in nala siiyo sababtoo ah kala duwanaansho ayay keeneysaa.”

Ka dib ciyaartii ay ka badiyeen Athletic Club, Ancelotti ayaa u jawaabay Guardiola isagoo garwaaqsaday faa’idada yar ee ay kooxdiisa heysato.

“Si fiican ayaan u arkaa cabashada Guardiola, jadwal adag ayay heystaan, waana kubada casriga ah, waa iska cadahay inaan faa’ido yar heysano, laakiin taasi ma saameyneyso ciyaarta.” ayuu yiri Ancelotti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*