Thomas Tuchel Oo Ka Quustay Bundesliga Balse U Hanjabay Arsenal


Bayern Munich's German head coach Thomas Tuchel wipes his eye ahead the German first division Bundesliga football match between VfL Bochum and FC Bayern Munich in Bochum, western Germany on February 18, 2024. (Photo by INA FASSBENDER / AFP) / DFL REGULATIONS PROHIBIT ANY USE OF PHOTOGRAPHS AS IMAGE SEQUENCES AND/OR QUASI-VIDEO (Photo by INA FASSBENDER/AFP via Getty Images)

Tababare Thomas Tuchel ayaa qirtay in tartanka horyaalka Bundesliga uu soo dhamaaday laakiin waxa uu sheegay in kooxdiisa Bayern Munich ay garaaci doonto Arsenal wareega 8da Champions League.

Bayern ayaa guuldarro 2-0 kala kulantay Borussia Dortmund, taasoo keentay in kooxda Xabi Alonso ee Bayer Leverkusen ay 13 dhibcood ku qabato hogaanka horyaalka.

Iyadoo todoba kulan ay ka harsan tahay horyaalka, Tuchel ayaa qirtay in kooxdiisa ay ka quusatay koobka horyaalka Bundesliga ka dib guuldaradii ugu danbeysay.

Markii la weydiiyay haddii tartanka horyaalka uu haatan soo dhamaaday, waxa uu ku jawaabay: “Sida iska cad, haa.

“Ka dib ciyaartaan, ma jirto sabab dhibcaha loo tirayo. Waa immisa dhibcood haatan? Hambalyo ayaan leeyahay Leverkusen.

“Aad ayaan u niyadjabsanahay sababtoo ah waxaa inaga maqnaa xamaasadii ay ciyaarta ku badin laheyn.”

Iyagoo haatan ka quustay horyaalka, Bayern Munich waxay haatan awoodeeda isagu geyn doontaa wareega 8da Champions League oo ay bishaan April la ciyaarayaan kooxda Arsenal.

Tuchel oo dhowr jeer ka horyimid Arsenal markii uu joogay Chelsea ayaa ku rajo weyn in kooxda Jarmalka ay qaab ciyaareedkeeda fiican dib u heli doonto islamarkaana ay garaaci doonaan Arsenal.

Waxa uu yiri: “Ma ahan markii ugu horeysay oo ay tani nagu dhacdo, mana ahan markii ugu horeysay ee aan qaab ciyaareed waali ah ku soo kabsano.

“Awood ayaan u leenahay inaan garaacno Arsenal xitaa haddii aan maanta taas la aamineynin. Qaab ciyaareedyo kala duwan ayaa soo bandhignay waqti kooban gudaheed sidaasi darteed wax cusub naguma ahan inaan dhaqso soo kabsano.”

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*