Sida Uu Pep Guardiola U La Dhaqmay Jack Grealish Dhamaadkii Ciyaarta Arsenal Oo La Cambaareeyay


Pep Guardiola ayaa garoonka dhexdiisa ku dhex canaantay Jack Grealish ka dib kulankii ay Man City iyo Arsenal ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah, wuxuuna taasi ku muteystay cambaareyn uu kala kulmay taageerayaasha iyo Richard Keys.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Man City ayaa dhibic ka heshay kulankii gurigeeda ka dib markii ay ka hortageen Arsenal oo difaac adag xiratay.

Laakiin Guardiola ayaa ahaa mid aad u careysan isagoo garoonka ku dhex canaantay xiddigii bedelka ku soo galay, wuxuuna canaan iyo qeylo dusha ka saaray Grealish iyadoo kaamirooyinka ay hayaan.

Tababaraha reer Spain ayaa u muuqday mid ka careysan qaab ciyaareedka Grealish gaar ahaan qaladaad uu sameeyay intii uu garoonka ku jiray, waxaana la arkayay Grealish oo niyadjabsan islamarkaana aqbalaya canaanta tababarihiisa.

Inkastoo uusan saameyn ku yeelanin ciyaarta, hadana Grealish ma aheyn xiddigii ugu xumaa City ee garoonka ku jiray taasoo keentay in la isweydiiyo sababta uu Pep Guardiola ciyaaryahankii ugu hor fadeexeeyay kaamirooyinka.

Wariyaha Ingariiska ee BeIN Sports Richard Keys ayaa ku cambaareeyay Guardiola falkii uu kula kacay Grealish, isagoo yiri:

“Ku canaano qolka labiska. Kaamirooyinka darteed ayuu sidaan u sameynayaa. Waa wax aan ka daalay inaan arko, ma aheyn inuu garoonka ku dhex canaanto.

“Haatan wuxuu qof walba u sheegi doonaan qaladaadkii uu Grealish sameeyay.”

Taageerayaasha City ayaa sidoo kale tababarahooda ku dhaleeceeyay sida uu u la dhaqmay Grealish iyagoo sheegay inay ka habooneyd inuu qolka labiska ku dhex canaanto bedelkii uu kaamirada horteeda ku ceebeyn lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*