Gary Neville: “Erling Haaland Wuxuu U Muuqdaa Qof Aan Waligiis Kubad Ciyaarin”


Man City ayaa barbaro goolal la’aan ah kala kulntay Arsenal, laakiin seddexda dhibcood waa ay qaadan kareen haddii uu Erling Haaland ka faa’ideysan lahaa fursad weyn uu helay dhamaadkii ciyaarta.

Waxay aheyd ciyaar aan fursado badan la iska helin iyadoo William Saliba iyo Gabriel ay aamusiyeen Haaland.

Si kastaba, weeraryahanka CIty ayaa fursad gool loo fishay helay daqiiqadii 83aad laakiin wuxuu u muuqday mid ilaaway sida kubada loo darbeeyo.

Kubad koorno aheyd oo la soo taabtay ayaa waxay birta goolka ugu tagtay Haaland oo u baahnaa inuu shabaqa ku taabto, laakiin Haaland ayaa ku guuldareystay inuu kubada taabto taasoo keentay in Gary Neville uu amakaago.

Khabiirka Sky Sports Gary Neville oo ciyaarta tabinayay ayaa inta uu qoslay, waxa uu yiri: “Waxa uu iigu muuqdaa sida qof aan waligiis kubada ciyaarin”

Ka dib Haaland ayaa weerar afka ah kala kulmay halyeeyga Man United Roy Keane kaasoo tilmaamay in Haaland uu u dheelo sida ciyaaryahan heerka afaraad ah.

Waxa uu yiri: “Heerka ciyaartiisa guud aad ayay u liidataa. Kaliya maanta ma ahan.

“Goolka hortiisa wuxuu ku yahay xiddiga ugu fiican dunida.

“Laakiin ciyaartiisa guud, waa mid aad u liidato. Kaliya maanta ma ahan – waa inuu horumariyaa ciyaartiisa guud. Wuxuu iigu muuqdaa ciyaaryahan heerka afaraad ah ah, waa sida aan u arko isaga.

“Ciyaartiisa guud waa inay horumar sameyso, waana laga yaabaa inay sameyso sannadaha soo socda.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*