Pep Guardiola Oo Shegegay In Sida Kaliya Ee Arsenal Gool Looga Dhalin Karay Inay Aheyd In Daafacyadooda La Toogto Oo La Dilo


Taageerayaasha Premier League ayaa ku tilmaamay Pep Guardiola tababare ay ka wareertay ka dib markii uu tababaraha Man City sheegay in sida kaliya ee ay gool uga dhalin kareen difaaca adag ee Arsenal inay aheyd in la toogto daafacyada oo la dilo.

Guardiola ayaa dhibic ka helay kulankii barbaraha goolal la’aanta ay la galeen kooxda ay horyaalka ku xafiiltamayaan ee Arsenal. City ayaa kubada inteeda badan heysatay laakiin fursado yar ayay abuureen madaama Arsenal ay difaac xiratay.

Waxaa natiijadaan ku faa’iday Liverpool oo haatan labo dhibcood hogaanka uga heysay Arsenal halka City ay dhibic ka sii danbeyso Gunners.

Ciyaarta ka dib Guardiola ayaa la weydiiyay sida gool looga dhalin koox difaac adag xiratay sida Arsenal ay sameysay kulankii Etihad.

Jawaabtiisa ayaa aheyd mid lala yaabay isagoo yiri: “In qof la dilo. Sagaal lagu ciyaaro.” ka dib markii uu sidaas ku jawaabay waxaa qoslay qaar ka mid ah wariyayaashii joogay shirka jaraa’id.

Guardiola ayaa hadalkiisa raaciyay: “Si fiican ayay kubada u difaacdeen, waa inaad sabar muujiso oo aad hesho baasaska saxda ah, waa in baaskaaga uu sugnaado. Dad tiro badan ayay kubada ku difaacdeen.”

Hadalka ah in ciyaaryahan la dilo ayaa keentay in falcelin ay taageerayaasha ka sameeyeen iyagoo tilmaamay in Guardilola uu isku dhex yaacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*