Real Madrid Oo Guul Dahabi Ah Oo Ay Ka Gaadhay Athletic Bilbao Kusii Dheeraysatay Hoggaanka LaLiga


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa siddeed dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay 2-0 kaga adkaatay Athletic Bilbao oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabeu.

Masuuliyadda Real Madrid ayaa dhabarka saartay masuuliyadda kooxdiisa oo dhaliyey labada gool, maadaama uu ganaax ku maqnaa Vinicius Junior oo ciyaartii hore qaatay kaadhkiisii shanaad ee xidhiidh ahaa oo sababayey in la ganaaxo.

Rodrygo ayaa ciyaarta ku furay gool qurux badan oo bannaanka uu ka toogtay gantaal uu shabaqa cidhifka midig ka sudhay isaga oo markii hore si fiican u maamylay laad dheer oo uu garabka midig kasoo tuuray Brahim Diaz.

Goolkan oo dhashay daqiiqaddii 8aad ee bilowga ayaa aftax wanaagsan u noqday kooxdiisa oo ay ku heleen deggenaan iyo xasillooni ciyaareed oo ay kubadda ku daadahayn karaan, halka Athletic Bilbao ay khalkhashay oo ay kubadda si fiican iskugu dhiibi waayeen.

Qaybta hore ayaa waxa Real Madrid ay heshay fursado badan oo ay goolal ugu beddeli karaysay, waxaase kubbaddo halis ahaa qaarkood joojiyey goolhaye Julen Agirrezabala oo koorne u saaray laad awood badnaa oo uu kusoo toogtay Fede Valverde.

Aurelien Tchouameni ayaa madax ku qabtay kubbad koorne ahayd oo loo qaatay gool, taas oo waxyar dhinaca ka martay birta.

Rodrygo iyo Brahim Diaz ayaa sidoo kale halis geliyey goolka Bilbao iyadoo kooxda martida ah ay hal mar oo kaliya goolka Real Madrid tooatay qaybta hore.

Real Madrid ayaa halkeeda kasii wadday bandhiggeeda qaybtii labaad, iyadoo garabka bidix uu waddo ka dhigtay Rodryo oo la joojin kari waayey, halka Bellingham iyo Toni Kroos ay khadka dhexe si adag uga shaqaynayeen isla markaana Brahim Diaz uu ahaa burburiye adag.

Daqiiqaddii 73aad ayaa kubbad uu Rodrygo kala soo galay dhinaca bidix, waxaana uu usoo gooyey laba ciyaartoy kaddibna waxa uu ula dhowaaday goolhayaha oo uu dhinaca midig ka dhigay kubadda, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 2-0.

Real Madrid ayaa ku doodday in rikoodhe la siiyo markii xerada ganaaxa lagu riday Rodrygo balse garsooraha ayaa ku adkaystay in laacibkani uu ku jiray offside.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 75 dhibcood, waxaanay siddeed dhibcood oo nadiif ah ka horreysaa Barcelona oo haysata 67 dhibcood iyadoo dhamaadka horyaalkana ay ka hadhsan yihiin siddeed kulan oo kaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*