Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Ah Oo Ay Ka Gaadhay Brighton Kula Wareegtay Hoggaanka Premier League


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ku qabatay saddex dhibcood, kaddib markii ay guul soo laabasho ah ka aadhay Brighton & Hove Albion oo marti ugu ahayd Anfield.

Ciyaartan oo daqiiqaddii labaad gool degdeg ahaa ay dhalisay Brighton, ayaa waxa ay Liverpool u dagaallantay si adag, waxaanay guusha ku heleen 2-1.

Laba gool oo labadii qaybood ay u kala dhaliyeen Luis Diaz iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool siiyey uul ay u qalmaysay oo sabab u noqotay inay saddex dhibcood dhaafaan Arsenal oo la ciyaaraysa Manchester City oo iyadana ay afar dhibcood ka sarreeyaan, laakiin natiijada ayaa isbeddeli doonta marka ay soo dhamaato ciyaarta Arsenal iyo City.

Daqiiqaddii 2aad ee bilowga ciyaarta ayay Brighton & Hove Albion dhalisay goolkeeda madiga ah oo uu u saxeexay Danny Welbeck oo helay kubbad uu garabka bidix ka keenay Adingra oo ay difaaca Liverpool iska saari kari waayeen, taas oo uu Welbeck oo xerada ganaaxa ku jiray uu ku dhamaystiray taabashadiisii koowaad.

Goolkan ayaa naxdin ku noqday Liverpool oo garoonkeeda joogtay, laakiin xiddigaha kooxda ayaa si adag u dagaallamay oo sameeyey fursado badan.

Luis Diaz oo ahaa geesiga Liverpool ayaa dumiyey garabka bidix oo uu kubbado badan ka keenay, sidoo kalena Mohamed Salah ayaa khasaariyey dhawr kubbadood oo goolal loo fishay ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin.

Daqiiqaddii 27aad ayaa kubbad madax ay iskaga saareen difaaca Brighton ay dib ugu soo noqotay, waxaana iyadoo hawada socota lugta geliyey Diaz oo sii dhaafiyey goolhayaha, sidaana ciyaarta kaga dhigay 1-1.

Goolhaye Verbruggen ayaa badbaadiyey kubad uu Salah ku tootay iyagoo dhaxda kasoo jiiday, ka hor intii aanu Darwin Nunez ka badbaadinin kubbad halis ahayd.

Daqiiqaddii 65aad ayay Liverpool keentay goolka guusha oo uu u dhaliyey Mohamed Salah, oo mar kalena khasaariyey fursad kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*