“Haddii Uu Joogo, Aniga Ayaa Baxaya…” Xiddig Barcelona Ah Oo Sheegay Inuu Iska Tegi Doono Haddii Uu Xavi Sii Joogo Kooxda


Xiddig ka tirsan kooxda Barcelona ayaa shaaciyey inuu iskaga tegi doono kooxda haddii uu Xavi Hernandez sii ahaado tababaraha kooxdaas xilli-ciyaareedka dambe, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inay suurtogal tahay in uu Xavi beddelo go’aankii uu qaatay.

Barcelona ayaa hore u shaacisay inay ixtiraamayso go’aanka uu gaadhay tababare Xavi Hernandez oo horraantii sannadkan ku dhawaaqay inuu iskaga teayo kooxda dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaanay ahayd kaddib guul-darradii Spanish Super Cup ee ay Real Madrid koobka kaga guuleysatay.

Kooxda reer Catalonia oo xalay shan dhibcood usoo jirsatay Real Madrid oo hoggaaminaysa horyaalka ayaa waxa sidoo kale ay u gudbeen wareegga siddeedda Champions League, waxaana ay guulo xidhiidh ah soo hoynayeen tan iyo markii uu Xavi ku dhawaaqay go’aankiisa taas oo keentay in ay maamulka kooxdu sheegaan inay doonayaan inuu beddelo go’aankiisa oo uu sii joogo.

Sidaas oo ay tahay, laacibka reer Brazil ee Vitor Roque oo bishii January kusoo biiray Barcelona ayaa sheegay inuu iskaga tegi doono kooxda haddii uu Xavi Hernandez sii joogo.

Wargeyska El Nacional ayaa qoray in Vitor Roque uu go’aankan ku gaadhay niyad-jab uu ka qaaday in uu Xavi siin waayey fursad isla markaana ka doorbidayo ciyaartoyda yaryar ee kulliyadda La Masia kasoo baxday.

Si kastaba ha ahaatee, Vitor Roque ayaa waxa la eegi doonaa inuu ciyaaro kulanka Cadiz ee April 13, maadaama uu ganaax ku maqnaan doono Robert Lewandowski oo shan kaadh oo digniin ah qaatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*