DEG-DEG: Mikel Arteta Iyo Guardiola Oo Shaaciyey Xiddigaha Ay Ku Dagaallamayaan Kulanka Arsenal vs Man City – Yaa Maqan?


Manchester City iyo Arsenal ayay ciyaartoydoodu ku sugan yihiin garoonka Etihad Stadium, halkaas oo Arteta iyo Guardiola ay kusoo galeen shaxo adag oo ay ku jiraan ciyaartooyo la filayey inay dhaawac ku maqnaadaan.

Pep Guardiola ayaa kaydka kusoo bilaabay John Stones oo la filayay in uu gebi ahaanba ciyaartan ka maqnaado, sidoo kalena Kevin de Bruyne ayaa taam noqday, halka Arsenal ay dib u heshay saddexda ciyaartoy ee dhaawaca kaga maqnaa ee Gabriel Magalhaes, Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli oo laba ka mid ah ay kusoo bilowdeen, midna uu kaydka ku jiro.

Guardiola ayaa waxa uu weerarka kusoo wada bilaabay Erling Haaland iyo Phil Foden oo uu caawinayo Kevin de Bruyne, iyadoo Bernado Silva uu booskiisa xajistay.

Rodri ayaa waxa khadka dhexe la ilaalin doona Mateo Kovacic oo beddelay John Stones, halka difaaca dhexe uu kusoo laabtay Ruben Dias oo ka garab ciyaaraya Nathan Ake, Manuel Akanji iyo Gvardiol.

Arsenal waxa weerarka ugu soo bilowday Bukayo Saka oo kasoo kabtay dhaawac, Gabriel Jesus iyo Kai Havertz, iyadoo khadka dhexena ay joogaan Declan Rice, Martin Odegaard iyo Jorginho.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester City XI: Ortega, Akanji, Dias, Ake, Gvardiol, Rodrigo, Kovacic, De Bruyne, Bernardo, Foden, Haaland.

Kaydka: Carson, Stones, Grealish, Doku, Alvarez, Gomez, Nunes, Bobb, Lewis.

Arsenal XI: Raya, White, Saliba, Gabriel, Kiwior, Jorginho, Ricem, Odegaard, Saka, Jesus, Havertz.

Kaydka: Ramsdale, Tomiyasu, Zinchenko, Partey, Vieira, Smith Rowe, Trossard, Martinelli, Nketiah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*