Mucjisada Yurub Oo 13 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka Bundesliga Iyo Rikoodhka Taariikhiga Ah Ee Usii Socda


Kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ayaa sii wadata rikoodhada taariikhiga ah ee aan laga arag qaaradda Yurub amaba shanta horyaal ee waaweyn, waxaana ay mar kale maanta 2-1 kaga adkaatay Hoffenheim oo waqti dambe ay saddexda dhibcoodba ka qaadatay.

Bayer Leverkusen ayaa libinteeda maanta oo waqti dambe la go’aamiyey, waxa ay sabab ugu noqdeen inay 13 dhibcood ku qabtaan hoggaanka horyaalka Bundesliga oo dhamaadkiisa ay uga hadhsan yihiin toddoba ciyaarood ay hadda kusii siqayaan inay u dabbaal-degaan guushiisa.

Ciyaar aad u adkayd oo wajiyo kala duwan lahayd ayay Bayer Leverkusen ku qaabbishay Hoffenheim oo adag ula dagaallantay intasa oo ay marti ahayd, isla markaana gool kala hormartay.

Daqiiqaddii 33aad ee ciyaarta ayay Hoffenheim qabatay hoggaanka horyaalka, waxaana gool u dhaliyey laacibka reer Germany ee Maximilian Beier oo dhamaystiray kubbad uu ka healy weeraryahankii ku fashilmay Manchester United ee Weghorst.

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee qaybta hore ay kala dhaliyeen labada kooxood, iyadoo Bayer Leverkusen ka faa’iidaysan weyday fursado badan oo ay hesay.

Daqiiqaddii 88aad ee ciyaarta ayay Bayer Leverkusen keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Robert Andrich, kaddib markii uu darbad xoogan qabadsiiyey kubbad uu ka helay Tah oo xerada ganaaxa dhaxdeeda loogu dhiibay.

Goolkan ayaa yimid daqiiqado kaddib markii uu birta garaacay Borja Iglesias, sidoo kalena ay kubbado badan lumiyeen ciyaartoyda afka hore ee Leverkusen.

Jamaahiirta Bayer Leverkusen ayaa markii ay goolka dhaliyeen waxa ay heleen kalsooni ay ku keeni karaan goolka guusha, halka kooxda martida ee Hoffenheim ay ka niyad-jabeen waqtiga laa dhaliyey goolka ee ay ciyaartu dhamaadka ahayd.

Kubbad uu dhinaca midig ka keenay Nathan Tella ayaa waxa lugta geliyey oo shabaqa ku leexiyey Patrik Schick daqiiqaddii 90+1, waxaana sidaas ay Leverkusen ku xaqiiqsatay guusha ciyaartan.

Bayern Leverkusen oo 27 ciyaarood oo horyaalka Bundesliga ah dheeshay ayaa waxa ay haysataa 73 dhibcood, halka Bayern Munich oo kaalinta labaad ku jirtaana ay leedahay 60 dhibcood, balse ay la ciyaarayso Borussia Dortmund.

Leverkusen ayaa noqotay mucjisada Yurub ee xilli-ciyaareedkan, waana naadiga kaliya ee illaa hadda aan marna laga badinin dhamaan tartamada, waana wax aan hore looga arag Yurub. 39 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay dheeleen ayaan dhinacooda dhulka la dhigin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*