Chelsea Oo Barbarro Kula Heshiisay 10 Ciyaartoy Oo Khadka Cas Ku Jira, Tottenham Oo Xoojisay Fursaddeeda Champions League Iyo Wixii Maanta Ka Dhacay Horyaalka Premier League


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dhibcaha la qaybsatay toban ciyaartoy oo ay laba gool ka dhalisay oo labadaba ka daba keenay, kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge oo ay kooxda khadka cas ku jirta ee Burnley ka xoogsatay hal dhibic.

Chelsea ayaa sii luminaysa fursadda ay sare ugu soo kacayso, waxaana natiijada ay maanta ka keeneen Burnley ay niyad-jab ku tahay jamaahiirta kooxdaas oo rumaysan la’ liidashada naadigooda.

Burnley ayaa casaan lagaa saaray Lorenz Assignon qaybta hore iyadoo ciyaartu goolal la’aan ah, waxaana Blues ay markaas kaddib bilowday inay shabaqa la saaxiibto oo ay gool kula nasato qaybta hore.

Daqiiqaddii 44aad ayaa rikoodhe loo dhigay Chelsea waxa gool u beddelay Cole Palmer oo ah geesi aan garab haysanin oo kalidii ku rafaadsan Stamford Bridge, waxaana rikoodhahan ka horreeyey in Burnley ay 10 ciyaartoy noqoto daqiiqaddii 40aad oo kaadhkii labaad ee digniin ah uu qaatay Lorenz Assignon.

Waqtiga nasashada ayaa loo dareeray iyadoo ciyaarta ay Chelsea ku hogaaminayso 1-0, laakiin kooxda tababare Vincente Kompany ayaan marnaba is-dhiibin, waxaanay u dagaallantay si baqasho la’aan ah maadaama ay ku jiraan khadka cas oo ay u baahnaayeen dhibco ay sare ugu soo kacaan.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay laba daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Burnley keentay gool barbarro ah oo ciyaarta ka dhigay 1-1, kaas oo uu u dhaliyey Cullen, hase yeeshee waxa u jawaabay Cole Palmer oo gool labaad u keenay Chelsea daqiiqaddii 78aad.

Raheem Sterling oo beddel kusoo galay ciyaarta ayaa uu nasiibku diiday kaddib markii kubbad uu madax ku qabtay ay waxyar dhinaca ka martay goolka.

Daqiiqaddii 81aad ayaa Burnley ay keentay goolkeeda labaad ee ciyaarta ka dhigay 2-2, waxaana koorne uu soo tuuray Cullem madax awood badan ku qabtay Dara O’shea.

Burnley ayaa ku dhowaatay inay dhaliso gool saddexaad oo taageereyaasha garoonka ay qaarkoodna u kaceen kuwo kalena madaxa qabsadeen iyaga oo ka naxsan balse ay iska lumiyeen.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay ku jirto kaalinta 11aad oo ay ku haysato 40 dhibcood, halka Burnley ay leedahay 18 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta 19aad ee Premier League.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*