Manchester United Oo Samaysay Isbeddel Lama Filaan Ah Ka Hor Ciyaarta Brentford Ee Caawa


Manchester United ayaa isbeddel aan caadi ahayn ku samaysay qorshaheeda ciyaareed ka hor kulanka caawa ee Brentford, taas oo uu tababare Erik ten Hag lasoo shir tegi doono xeelad ka duwan middii laa filayey.

Manchester United ayaa caawa dib ugu soo laabanaysa horyaalka Premier League iyaga oo marti u noqon doona Brentford oo ay ku booqanayaan garoonka Gtech Community Stadium.

United ayaa la rilayaa inay isbeddel waqti dambe ah samayso si ay guul uga soo gaadhaan Brentford oo ay usoo nooleeyaan rajadooda ah inay kasoo qayb-galaan tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe.

Ciyaartoyda ay ka mid yihiin Mason Mount, Rasmus Hojlund iyo Lisandro Martinez ayaa qayb ka noqday xiddigaha safarka ugu tegay Bretnford, waxaana sida uu ku warramayo wargeyska The Sun uu tababare Erik ten Hag samayn doonaa iseddel aan laga filaynin.

Kobbie Mainoo oo ka maqnaa tababarkii Khamiistii ayaa la sheegay in uu xanuunsanayo oo aanu taam buuxa ahayn, waxaana hore shaki usii geliyey Erik ten Hag oo sheegay in aanu hubin in uu da’yarkani taam noqonayo iyo in kale.

Waxa kale oo uu shaki ku jiraa Harry Maguire oo uu dhaawaca kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa, iyadoo Casemiro iyo Jonny Evans laga gaadhi doono go’aan waqti dambe ah.

Ten Hag oo la weydiiyey xaaladda Luke Shaw ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in uu laacibkani dib usoo noqon doono ka hor inta aanu dhamaanin xilli-ciyaareedku.

Isbeddellada ay duruufuhu keeneen ee la filayo ayaa ah in uu kulankan ka maqnaanayo Kobbie Mainoo, halka la filayo in ay kusoo bilowdaan Lisandro Martinez iyo Mason Mount.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*