Khabiirka BBC Sport Chris Sutton ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca 30aad ee horyaalka Premier League iyadoo todobaadkan la ciyaarayo kulamo xiiso badan oo ay ku jirto kulanka adag ee Manchester City iyo Arsenal.
Kooxda kaalinta 1aad ee Arsenal ayaa u safri doonta Axada kooxda kaalinta 3aad ee Man City maalinta Axada iyadoo labada kooxood ay kaliya hal dhibic u dhaxeyso.
Chris Sutton oo sheegay in Man City ay ka bixi doonto tartanka horyaalka haddii ay Axada guuldarro kala kulmaan Arsenal ayaase saadaaliyay in kulanka Axada inay Man City 1-0 ku garaaci doonto Arsenal.
Wuxuu sidoo kale saadaaliyay in Liverpool ay ku soo laaban doonto hogaanka Premier League isagoo u saadaaliyay inay 3-1 isla Axada uga badin doonaan kooxda Brighton oo marti ku ah Anfield.
Ka hor kulamada Axada waxaa Sabtida la ciyaarayaa sideed kulan oo xiiso badan waxaa ka mid ah kulanka Brentford iyo Man United, iyadoo Chris Sutton uu saadaaliyay inay ciyaartaas ku dhamaan doonto barbaro 2-2 ah.
Chelsea ayuu u saadaaliyay guul ay ka gaarto Burnley isagoo saadaaliyay inay kooxda martida loo yahay ee Blues ay ku badin doonto 2-0.
Saadaasha Premier League Ee Chris Sutton
Premier League – Isbuuca 30aad | |||
---|---|---|---|
Waqtiga |
Saadaasha Sutton |
||
SABTI 30KA MARCH | |||
Newcastle v West Ham | 2-1 | ||
Bournemouth v Everton | 1-1 | ||
Chelsea v Burnley | 2-0 | ||
Nott’m Forest v Crystal Palace | 1-0 | ||
Sheff Utd v Fulham | 0-2 | ||
Tottenham v Luton | 4-1 | ||
Aston Villa v Wolves | 2-1 | ||
Brentford v Man Utd | 2-2 | ||
AXAD, 31KA MARCH | |||
Liverpool v Brighton | 3-1 | ||
Man City v Arsenal | 1-0 |
Be the first to comment