Horyaalka Premier League ayaa lix kooxood ku yeelan karta tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda haddii West Ham ay ku dhameysato meel ka baxsan afarta sarre islamarkaana ay ku guuleysato Europa League.
Madaama ay kooxaha Arsenal, Manchester City, Liverpool iyo West Ham ay wareega 8da ka gaareen tartamada Yurub, waxay la micno tahay in Premier League ay ka mid noqon doonaan labada horyaal ee boos dheeri ah laga siinayo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Booskaas dheeriga ah waxaa qaadan doonta kooxda ku dhameysata horyaalka kaalinta shanaad. Premier League ayaa sidoo kale heli doonta boos lixaad haddii koox aan ku dhameysan afarta sarre ay ku guuleysato Europa League.
Waxaa taas hadda u taagan West Ham oo 11 dhibcood u jirta kaalinta shanaad. Haddii West Ham ay ku guuleysato Europa League islamarkaana aysan soo gelin afarta sarre waxay u soo bixi doontaa Champions League.
Taasoo la micno ah in afarta sarre, kooxda kaalinta shanaad iyo West Ham inay Premier League ku matali doonaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Haddii West Ham ay soo gasho kaalinta shanaad islamarkaan ay ku guuleysato Europa League markaas waxaa booska lixaad qaadanaya kooxda kaalinta lixaad ku dhameysata horyaalka.
Balse haddii Liverpool ay ku guuleysato Europa League islamarkaana ay ku dhameysato afarta sarre England ma heli doonto boos lixaad oo dheeri ah, waxaa booska dheeriga ah la siin doonaa wadan kale.
Be the first to comment