Difaaca kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Antonio Rudiger ayaa u jawaabay wariye Jarmal ah oo aflagaaddeeyey markii uu arkay sawir uu laacibkani soo geliyey baraha bulshada isaga oo ku labbiskan khamiis oo u muuqnayay inuu Salaad kabaxay.
Antonio Rudiger ayaa farta kor u taagayey xilli lagu jiro bisha Ramadaan, waxaana uu Muslimiinta kula wadaagayey xogta ah in uu cibaadaysto oo uu gudanayo waajibaadka bisha Ramadaan.
Laakiin waxa sawirkan dheel-dheel ka dhigay tifaftirihii hroe ee wargeyska BILD oo ah jaraa’idka uu weyn waddanka Germany ee dhinaca ciyaaraha, waxaana uu Rudiger ku tilmaamay inuu yahay shaqsi taageere u ah aragixisada.
Wixii markaas ka dambeeyey, Rudiger ayaa waxa garab istaagay dad badan oo dunida oo dhan ah iyo xidhiidhka kubadda cagta Germany oo ugu baaqay wariyaha inuu raalligelin ka bixiyo hadalkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Antonio Rudiger ayaa warbaahinta yimid isaga oo sharraxaya Diinta Islaamka iyo waxa uu u taagnaa sawirka oo astaamo diimeed ay ka muuqdeen, waxaanu yidhi: “Bilowgii bisha Ramadaan ayaan sawirkan ku daabacay Instagram. Waxa uu sawirkani ku jiray bartayda 13 maalmood waxaanu gaadhay malayaaniin qof ah oo aan wax dhalleecayn ah iia soo jeedinin. Laakiin maalmahan u dambeeyey, sawirka ayaa waxa isticmaalay shaqsiyaad si ay eedaymo been ah iigu soo jeediyaan.
“Tailmaanta aan bixinayey, waa farta oo aan ku muujinayey Tawxiidka. Diinta Islaamka, waxa calaamadda (farta la taagayaa) ay muujinaysaa kali-ahaanshaha Allah iyo midnimada Muslimiinta. Waa astaan ay dhamaan Muslimiinta adduunyada oo dhan sameeyaan, waxaana arrintan ka hadashay oo maalmo ka hor bayaamisay wasaaradda Arrimaha udaha ee federaalka.”
Rudiger oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Anigu waxa aan ahay Muslim dhab ah oo diintiisa ku adag, waan cibaadaystaa, laakiin waxa aan naftayda ka fogeeyaa nooc kasta oo argagixiso ah amaba eedaymo Islaamka ah. Argagixisonimada iyo qasku ma aha wax la aqbali karayo, waxa aan la jiraa nabadda iyo dulqaadka.
“Qoyskayga waxa ku jira xubno diimo kala duwan aaminsan. Sidaas oo ay tahay, waanu is ixtiraamnaa, waxaananu u wada dabbaal-degnaa munaasibadaha diimeed. Ixtiraamka iyo dulqaadka ayaa aasaasi u ah in aanu ahaano qoys isku duuban.”
Ugu dambayntii waxa uu Antonio Rudiger sheegay in aanu ogolaanayn in lagu gafo oo la caayo sabab la xidhiidha diintiisa Islaamka, waxaanu yidhi: “Aniu ma ogolaan doono in la i caayo oo diintayda lau afo. Waa sababta aan u go’aansaday in aan dacwad ka gudbiyo (tifaftirihii hore ee wargeyska Bild). Waxa uu sameeyey been-abuur iyo kala-qaybin; mar walba waan ka dhiidhiyi doonaa oo waan iska difaaci doonaa waxyaabahaas.”
Be the first to comment