Ma Sidanaa U Dambaysay? Cristiano Ronaldo Oo Loo Sheegay In Aanu Ahayn Xiddiga Portugal Iyo Ciyaartoyga La Caleemo Saaray


Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku qasban in uu aqbalo in la gaadhay dhamaadka xirfaddiisa ciyaareed, sababtoo ah waxa hadda loo sheegay in aanu ahayn ciyaartoyga ugu wanaagsan ee uu haysto xulka qaranka Portugal.

Ronaldo oo 206 ciyaarood u saftay qarankiisa ayaa ah ciyaartoyga ugu safashada badan kulamada caalamiga ah, sidoo kalena waa ciyaartoyga xulalka dunida oo dhan ugu goolasha badan isaga oo dalkiisa u dhaliyey 128 gool.

Inkasta oo ay da’diisu tahay 39 jir, haddana Ronaldo ayaa wali muhiim u ah xulka qarankiisa laakiin waxa hoos usoo dhacaysa saamayntii uu ku lahaa garoomada dhaxdooda iyadoo ay jiraan ciyaartooyo ka hal-abuur iyo fursado samayn badan oo marka ay maqan yihiin si weyn loo tebayo marka la barbar-dhigo Ronaldo.

Xulka qaranka Portugal oo hadda isku diyaarinaya ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024 ee xagaaga ka dhici doona waddanka Germany, ayaa ka hor waxa loosii sheegay Ronaldo in aanu ahayn ciyaartoyga ugu fiican ee hoggaamin doona dalkiisa.

Khabiirka ciyaaraha Yurub ee Any Brassel oo la hadlay saxaafadda ayaa sheeay, in ciyaartoyga ugu fiican ee ay Portugal haysato uu yahay Bernardo Silva,

Khabiirka ciyaaraha Yurub ee Andy Brassell oo la hadlay saxaafadda ayaa sheeay, in ciyaartoyga ugu fiican ee ay Portugal haysato uu yahay Bernardo Silva, isla markaana waqtiii uu Ronaldo ahaa laacibka ugu fiican ay soo dhamaaday.

Andy Brassell ayaa yidhi: “Roberto Martinez waxa uu haystaa dookhyo sababtoo ah waxa Portugal jooga ciyaartooyo badan oo tayo leh, waxayna ila tahay in dadku fahmayaan halka ay ku gaadhsiinayaan dookhyardu.

“Waxay la tahay in Cristiano Ronaldo uu xaqiiqsaday, in mararka qaarkood uu kusoo bilaabanayo mararka qaarkoodna aanu kusoo bilaabanayn, sababtoo ah ma aha ciyaartoyga hadda ugu wanaagsan, waxaana jira ciyaartooyo ka fiican waqtigan.

“Waxa aan u malaynayaa in dadku ay fahmayaan in Bernardo Silva uu yahay ciyaartoyga reer Portugal ee ugu fiican waqtigan kubadda cagta.”

Si kastaba ha ahaatee, Bernardo Silva oo 29 jir ah ayaa 88 ciyaarood oo uu u saftay xulka qaranka Portugal waxa uu u dhaliyey 11 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*