Xiddiga khadka dhexe eer eer Germany ayaa go’aansaday kooxda uu u dheeli doono xilli-ciyaareedka dambe iyadoo saddex bilood kaddib uu dhacayo qandaraaska uu kula jiro Real Madrid oo muddo sugaysay goaanka uu laacibkani gaadhi doono.
Toni Kroos oo dib ugu laabtay xulka qarankiisa Germany ee uu saddex sannadood ka hor ka fadhiistay, ayaa waxa uu ogolaaday inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa Real Madrid oo u bandhigtay qandaraas cusub.
Real Madrid ayaa waqti hore oo xilli-ciyaareedkan ah, waxa ay Toni Kroos miiska u saartay dalab heshiis cusub oo sannad ah oo aan lahayn waqti jawaabta laga sugayo, waxaana ugu dambayntii laacibkani uu ka jawaabay dalabkaas oo uu xusay inuu ogol yahay.
Carlo Ancelotti ayaa hore saxaafadda ugu sheegay in go’aanku uu gacanta ugu jiro Toni Kroos oo uu sugayo inuu isagu doorto inuu sii joogayo Santiago Bernabeu iyo inuu koox kale tegi doono, isaga oo sidoo kalena tilmaamay muhiimadda uu laacibkani u leeyahay kooxdiisa.
Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano, Toni Kroos ayaa saxeexaya heshiis sannad ah oo socon doona illaa June 2025, waana muddo sannad ah iyadoo ay kooxdiisu rajaynayso inay mar kale qandaraas cusub oo sannad kale ah u bandhigi doonto si uu usii joogo Santiago Bernabeu illaa sannadka 2026.
Toni Kroos ayaa Real Madrid u saftay 28 ciyaarood oo horyaalka ah xilli-ciyaareedkan, kuwaas oo uu 20 ka mid ah kusoo bilowday, waxaana Los Blancos ay barbaariye uga dhigtay ciyaartoyda da’da yar ee khadka dhexe ay kooxdu u carbisanayso ee Eduardo Camavinga, Aurelien Tchouameni, Federico Valverde iyo Jude Bellingham, halka Luka Modric hoos loo dhigay waqtigiisa oo ay u badan tahay inuu ka tegi doono kooxda xagaagan.
28ka kulan ee uu u saftay xilli-ciyaareedkan, Toni Kroos ayaa waxa uu u dhaliyey hal gool iyo toddoba uu caawiye ka noqday, waxaana uu xor ka ahaa dhaawacyada.
Be the first to comment