Xiddigii Ay Chelsea Dhaawaca Ku Iibsatay Oo Mar Kale Dib Usii Dhaawacmay


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xaqiijisay in uu dib u dhaawacmay xiddigii ay lacagta badan kasoo bixisay xagaagii tegay, kaas oo isaga oo dhaawacan soo gaadhay Stamford Bridge haddana mar kale dib u dhaawacmay oo garoomada ka maqnaan doona inta ka hadhay xilli-ciyaareedka.

Khadka dhexe ee Belgium ee Romeo Lavia oo £58 milyan oo Gini ay Chelsea kaga soo iibsatay Southampton ayaa waxa soo gaadhay dhaawac cusub oo ka saaraya xisaabta kooxdiisa ee xilli-ciyaareedkan socda.

20 jirkan uu dhaawacu ragaadiyey, ayaa hal kulan oo kaliya u saftay Chelsea, waxaanay ahayd bishii December oo uu beddel kusoo galay ciyaar ay kooxdiisu la dheeshay Crystal Palace, taas oo uu 32 daqiiqadood oo kaliya garoonka ku jiray.

War-saxaafadeed ay Chelsea soo saartay ayaa waxa ay ku dheegtay, in Romeo Lavia uu dib u dhaawacmay isaga oo kasoo kabanaya dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Crystal Palace ee bishii December, isla markaana aanu taam noqon doonin inta ka hadhay xilli-ciyaareedka.

Tababare Mauricio Pochettino oo la rumaysan yahay inuu kalsooni badan ku qabo Lavia ookasoo baxay kulliyadda da’yarta Man City ayaa waxa uu ku qasbanaan doonaa inuu sugo illaa xilli-ciyaareedka dambe.

Si kastaba ha ahaatee, Romeo Lavia ayaa xilli-ciyaareedkii hore waxa uu kooxdiisii hore ee Southampton u saftay 35 ciyaarood oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada, taas oo keentay in saxeexiisa ay isku qabsadaan Chelsea iyo Liverpool, iyadoo uu laacibkani doortay Blues.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*