Ciyaartoyda ugu mushaharka badan qaaradda Yurub ayaa la shaaciyey, waxaana soo baxday arrin cajiib oo ah in xiddiga reer France ee Kylian Mbappe uu saddex-jeer ka mushahar badan yahay weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo ah ciyaartoyga uu mushaharka badan dalkiisa.
Harry Kane oo kooxdiisa cusub ee Bayern Munich ay bishii mushahar u siiso lacag dhan £1.8 milyan oo Gini, ayaa waxa saddex jibbaar iyo waliba dheeraad ka badnaaday Kylian Mbappe oo kooxdiisa PSG ka qaata lacag dhan £5.15 milyan oo Gini bishii.
Marka sannad loo beddelo, Kylian Mbappe ayaa waxa uu kooxdiisa ka qaataa lacag dhan £61.8 milyan oo Gini, waana ciyaartoyga Yurub oo dhan ugu mushaharka badan waqtigan.
Warbixin soo bandhigtay mushaharka ciyaartoyda Yurub, ayaa waxa kaalinta labaad ku jira Harry Kane, halka saddexaad uu fadhiyo kubbad-sameeyaha Manchester City ee Kevin De Bruyne oo £1.73 milyan oo Gini ka qaata bishii kooxdiisa, waxaana afraad ku jira Erling Haaland oo £1.63 milyan oo mushahar ah qaata, laakiin waxa kale oo uu Man City ka helaa gunnooyin dheeraad ah oo wadarta lacagta uu Etihad Stadium ka qaato bishii ka dhigaysa £3.4 milyan oo Gini.
Difaaca Real Madrid ee David Alaba ayaa ku jira kaalinta shanaad isaga oo toddobaadkii qaata £1.61 milyan oo Gini. Waxa uu noqday difaaca ugu mushaharka badan kubadda cagta oo dhan.
Casemiro oo Manchester United ah ayaa kaalinta toddobaad soo galay, halka saaxiibkiisa Old Trafford ee Raphael Varane uu fadhiyo booska sagaalaad.
Halkan kaga bogo ciyaartoyda ugu mushaharka badan kubadda cagta oo dhan
Be the first to comment