Waa Maxay Sababta Magacyada Looga Daayey Garamada Ciyaartoyda Xulka England Kula Dheelayo Belgium?


Ciyaartoyda xulka qaranka England ayaa garoonka soo geli doona kulanka Belgium ee Salaasada iyadoo aanay wax magacyo ah ku qornayn garamada ay ku dheelayaan, waxaase uu laacib kasta sidan doonaa lambar si garsooreyaasha ay ugu fududaato diiwaangelinta xogta ciyaartoyda ee haddii ay sameeyaan qalad amaba waqtiga beddelka iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka ah.

Garoonka Wembley Stadium ayaa habeen dambe uu xulka England ku qaabbili doonaa Belgium, iyaga oo ku dedaalaya inay kusoo laabtaan tubta guusha maadaama ay guul-darro kala kulmeen Brazil oo Axaddii 1-0 kaga adkaatay iyagoo waliba jooga Wembley.

Xulka qaranka England ayaa waxa uu qayb ka qaadanayaa wacyigelin ay wada samaynayaan ururka Alzheimer’s Societa iyo xidhiidhka kubadda cagta England, kaas oo bulshada loogu soo jeedinayo inay garab istaagaan dadka qaba xanunnada dhimirka.

Garamada dhabarkoodu caddaanka yahay ee aanay magacyadu ku qornayn, ayaa la sheegay in looga gol-leeyahay, in dadka lagu tuso sida ay xasuustu uga lunto dadka xanuunnada dhimirku ku dhacaan.

March 2022 ayaa uu xulka qaranka England markii ugu horreysay xidhay garamo aanay magacyo ku qornayn, waxaana waqtigaas ay kulan saaxiibtinimo oo dhaqaale loogu ururinayey Alzheimer’s Society ay la dheeleen waddanka Switzerland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*