20ka ciyaartoy ee Ingiriiska ah ee ugu mushaharka badan kubadda cagta ayaa la shaaciyey, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay dakhligooda usbuuclaha ah ee ay mushahar ahaanta uga qaataan naadiyadooda.
Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Harry Kane ayaa waxa uu xagaagii u dhacay qasnad buuxda oo gacanta loo geliyey, taas oo ka dhigtay ciyaartoyga Ingiriiska ah ee ugu mushaharka badan.
Harry Kane oo toddobaadkii ay Bayern Munich siiso £414,632 Gini ayaa ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan dhamaan ciyaaryahannada Ingiriiska ah ee kubadda cagta ciyaara, laakiin waxa uu naadigiisa ugu abaal-guday gool-dhalin iyo bandhig fiican oo uu ka samaynayo horyaalka Bundesliga, inkasta oo ay kooxdiisu toban dhibcood ka dambayso Bayer Leverkusen oo hoggaanka haysa.
Laacibkan ayaa 26 ciyaarood oo maxalli ah oo uu u saftay kooxdiisa waxa uu u dhaliyey 31 gool iyo toddoba kale oo uu caawiye ka noqday, halka xulka qaranka England uu u dheelay 89 ciyaarood, balse waxa uu dhaawac kaga maqnaa kulankii Brazil ee Sabtidii.
Jude Bellingham oo Real Madrid ah ayaa noqday ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka badan ee Ingiriis ah ee kubadda cagta dheela, waxaana uu toddobaadkii ka qaataa Real Madrid lacag dhan £345,471 Gini.
Kubbad-sameeyahan 20 jir ah oo xagaagii ay Real Madrid 103 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Borussia Dortmund, ayaa toddobaadkii ay Madrid u shubtaa £345,471 Gini, laakiin waxa uu isaguna muujiyey inuu u qalmayo lacagtaas maadaama 22 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah uu ku dhaliyey 16 gool, waana ciyaartoyga hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta horyaalka Spain.
Halkan kaga bogo 20ka ciyaartoy ee Ingiriiska ah ee ugu mushaharka badan:
1. Harry Kane (Bayern Munich) – £414,632-toddobaadkii
2. Jude Bellingham (Real Madrid) – £345,471-per-week
3. Raheem Sterling (Chelsea) – £325,000-toddobaadkii
4. Marcus Rashford (Manchester United) – £300,000-per-week
5. Jack Grealish (Manchester City) – £300,000-toddobaadkii
6. Mason Mount (Manchester United) – £250,000-toddobaadkii
7. John Stones (Manchester City) – £250,000-toddobaadkii
8. Reece James (Chelsea) – £250,000-toddobaadkii
9. Declan Rice (Arsenal) – £240,000-toddobaadkii
10. Phil Foden (Manchester City) – £225,000-toddobaadkii
11. Ben Chilwell (Chelsea) – £200,000-toddobaadkii
12. Jadon Sancho (Manchester United – amaah ugu maqan Dortmund) – £195,000-toddobaadkii
13. Bukayo Saka (Arsenal) – £195,000–toddobaadkii
14. Harry Maguire (Manchester United) – £190,000-toddobaadkii
Be the first to comment