Kylian Mbappe oo bartilmaameed u ahaa Real Madrid muddo sannado ah, ayaa waxa ugu dambayntii la filayaa in xagaaga soo socda uu si bilaash ah ku tegi doono, iyadoo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda.
Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo doonaya inuu dhiso koox xiddigo ka buuxaan, ayaa waxa ka sokow Kylian Mbappe oo weerarka ah, waxa kale oo kooxda soo gaadhaya dheemanka reer Brazil ee Endrick, halka Alphonso Davies iyo Leny Yoro ay iyaguna ku jiraan liiska xiddigaha ay Los Blancos doonayso.
Warbaahinta waddanka Spain ee dhinaca ciyaaraha ayaa saaka bogaggooda hore ay qaarkood ku qoreen magacyada laba ciyaartoy oo uu Kylian Mbappe dalbaday in lagu mataaneeyo Santiago Bernabeu, waana kuwa ay kooxdu hadda ka shaqaynayso sidii ay ula saxeexan lahayd.
Davies oo ay da’diisu tahay 23 jir oo difaaca bidix uga ciyaara Bayern Munich ayaa 184 kulan oo uu u saftay kooxdiisa waxa uu u dhaliyey sagaal gool iyo 28 kale oo uu caawiye ka noqday, halka uu kula guuleystay 13 koob.
Sidoo kale, Leny Yoro oo ay da’diisu tahay 18 jir ayaa kooxdiisa Lille waxa uu u saftay 53 ciyaarood oo kooxda koowaad ah, waxaana saxeexiisa raadinaya kooxo badan oo reer Yurub ah.
Be the first to comment