Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa xalay ay ka dhacday fadeexad garsoor oo ay adduunyada oo dhan hadal hayso, waxaana lagu dawakhsan yahay waxa ka si’da noqday garsoore Gil Manzano oo yeedhiyey siidhiga dhamaadka iyadoo kubaddu goolka kusii socota kulankii Real Madrid iyo Valencia ay ku kala baxeen barbarraha 2-2.
Buuq ayaa hadheeyey ciyaartan, waxaana casaan qaatay Jude Bellingham oo garsooraha la garnaqsaday, halka Carlo Ancelotti uu sheegay in aanu waligii arag dhacdo noocan oo kale ah muddo ka badan 50 sannadood oo uu ciyaaraha ku jiray.
Guddida farsamada ciyaaraha Spain ee magacooda loosoo gaabiyo CTA ayaa shaacisay in ay iyaguna ku dawakhsan yihiin go’aankan iyo falka uu sameeyey garsooraha oo ay ku tilmaameen wax aan hore loo arag, sida uu ku warramayo wargeyska Marca.
Real Madrid ayaa xalay war kasoo saartay arrintan, waxaanay soo bandhigtay cabashadeeda la xidhiidha waxa ay ku tilmaameen fadeexaddii qarniga.
Si kastaba ha ahaatee, Gil Manzano oo ka mid ahaa garsooreyaasha ugu wanaagsan waddanka Spain ayaa ceeb weyn dhax fadhiya, waxaana tallaabada laga qaadayo go’aan ka gaadhaya xidhiidhka garsooreyaasha halka Real Madrid ay ku qasbanaanayso inay aqbasho natiijada ciyaartaas oo ay hal dhibic kaliya ka heshay.
Be the first to comment