Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa su’aal ka keenay halka ay salka ku heyso carrada milkiilaha Nottingham Forest Evangelos Marinakis ka dib markii ay kooxdiisa waqtigii dhimashada 1-0 ku badisay ciyaartii ka dhacday City Ground.
Reds ayaa weli hogaanka u sii heysa Premier League iyagoo ku badbaaday gool uu daqiiqadii 99aad u dhaliyay Darwin Nunez.
Laakiin ciyaarta waxaa hareysan dhacdo muran dhalisay. Garsoore Paul Tierney ayaa ciyaarta joojiyay ka dib dhaawac soo gaaray Ibrahima Konate oo ku dhex jiray xerada goolka Liverpool. Waqtigaas waxaa kubada heystay xiddiga Nottingham Forest oo garabka bidix ka soo xaroonayay. Markii ciyaarta dib loo bilaabay, garsooraha wuxuu kubada siiyay Liverpool bedelkii uu u celin lahaa Forest.
Daqiiqad iyo 50 ilbiriqsi ka dib dhacdadaas, Liverpool ayaa dhalisay goolka guusha ee ay ku xaqiijisteen seddexda dhibcood.
Ciyaarta ka dib ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka Nottingham Forest ayaa isku gadaamay garsooraha iyagoo ka careysnaa qaladkii uu sameeyay, halka si aan looga baranin horyaalka Premier League uu milkiilaha kooxda soo galay garoonka isagoo garsooraha ku ceyrsaday dhuunta aada qolalka labiska.
Laakiin Klopp ayaa meesha ka saaray cabashada Forest isagoo yiri: “Dhacdadaan mid la mid ah ayaa dhacday horaantii ciyaarta miyaysan aheyn? Tan oo kale ayaa dhacday markaasna iyaga ayaa kubada la siiyay. Waan filayay inay sidaan dhaceyso sababtoo ah mar sii horeysay ayay dhacday. Haddii aysan horay u dhici laheyn, markaas anigaba su’aal ayaan ka keeni lahaa.
“Laakiin waxaa haatan qiyaasayaa in sharciga uu sidaas yahay. Ma hubo boqolkiiba 100, laakiin labo jeer ayay dhacday si isku mid ah ayuuna garsooraha u la tacaalay. Ma arko sabab looga doodo. Ma garanayo inta baasas aan sameynay ka hor goolka.
“Waan dareemi karaa carrada iyo xamaasada Nottingham. Dabcan si fiican ayay u dagaalameen. Laakiin xaaladaan marka aan ka hadlo, labo jeer ayay dhacday si isku mid ah ayaana loo garsooray, waxaan dhihi karaa garsooraha go’aankiisa joogto ayuu ahaa.”
Be the first to comment