Erik ten Hag Oo Helay Shaqadii Uu Uga Wareegi Lahaa Manchester United


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United oo la sheegayo in ay suurtogal tahay in Old Trafford laga caydhiyo dhamaadka xilli-ciyaareedka ayaa waxa uu durba helay shaqo cusub oo qaban doono isla marka uu ka tago Man United.

Erik ten Hag ayaa ay kooxdiisu si liidata ku bilaabatay xilli-ciyaareedka, waxaanay u badan tahay inuu ka maqnaan doonaan tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe maadaama kaalinta lixaad ay fadhiyaan.

Sir Jim Ratcliffe oo aan la dhacsanayn tababare Erik ten Hag ayaa u arka musiibo u arka in ay kooxdu ka maqnaato tartanka Champions League iyagoo kaliya koobka ay ku guuleysan karayaan uu yahay FA Cup oo ay wareegga siddeedda isku dhaceen Liverpool.

Sida uu qoray wargeyska The Independent ee kasoo baxa UK, Erik ten Hag ayaa dalab ka haysta kooxdiisii hore ee Ajax oo doonaysa inay dib usoo ceshato maadaama iyaguna ay dhibaatoodeen intii uu ka maqnaa.

Erik ten Hag ayaa saddex sannadood oo xidhiidh ah u qaaday horyaalka Netherlands ee Eredivise kooxda Ajax, sidoo kalena laba koob oo KNVP ah ayaa uu la qaaday.

Mustaqalka Erik ten Hag ayaa la sheegay inay saamayn badan ku yeelan doonto ciyaarta Manchester City ee Axadda.

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegtay, in Manchester United ay kulan la yeelatay tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Brighton ee Graham Potter oo ay doonayaan inay ku beddelaan Erik ten Hag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*