Xiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa noqon doona ciyaartoy Afrikaan ah halkii laga sugayey inuu u ciyaaro xul reer Yurub ah oo uu isaguna markii hore danaynayey.
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Brahim Diaz ayaa albaabka u furay inuu u ciyaaro xulka qaranka uu asal ahaanta kasoo jeedo ee Morocco, inkasta oo carruurnimadiisii uu ku riyoonayey inuu noqdo xiddig hoggaamiya xulka Spain.
Diaz oo boosas kala duwan ka ciyaara, ayaa wacdaro ka dhigaya garoomada xilli-ciyaareedkan kaddib laba sannadood oo uu isku-dhisay oo uu kusoo qaatay AC Milan.
Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Brahim Diaz ayaa muddo sugayey tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis de la Fuente, waxaana uu rajaynayey inuu qayb ka noqdo xulka Spain ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee lagu qaban doono waddanka Germany.
Inkasta oo uu ku dhashay waddanka Spain, haddana Brahim Diaz ayaa waxa uu sharcigu u ogolaanayaa inuu u dheelo xulka qaranka Morocco oo ay awoowyaashii kasoo jeedaan, waxaana muddooyinkii dambe ay xidhiidh lahaayeen xidhiidhka kubadda cagta Morocco oo isku dayayey inay ku qanciyaan in uu xulkooda u ciyaaro.
Tartankii qaramada Afrika ee AFCON ayuu hore u diiday Brahim Diaz inuu ka mid noqdo xulka Morocco, hase yeeshee waxa uu hadda u dhow yahay inuu ogolaado inuu xidho shaadhka Morocco.
Be the first to comment