Agaasimaha cusub ee ciyaaraha Manchester United ee jidka kusoo jira ee Dan Ashworth, ayaa la kulmay tababarihii hore ee Chelsea iyo Brighton ee Graham Potter, si uu ugu qanciyo inuu yimaaddo Old Trafford oo uu beddelo Erik ten Hag. (Sun)
Liverpool ayaa waxa ay bartilmaameedsan doontaa tababaraha Brighton ee Roberto de Zerbi haddii ay waayaan Xabi Alonso. Labadan midkood ayaa noqon doona beddelka Jurgen Klopp oo ka tegaya xagaaga. (Guardian)
Arsenal waxa ay halis ugu jirtaa inay lumiso xiddigeeda khadka dhexe ee Jorginho oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan. 32 jirkan ayaa waxa saf ugu jira oo ku tartamaya kooxaha Lazio, Juventus iyo Napoli. (Standard)
Burnley ayaa la filayaa inay sii xajisato tababaraheeda Vincent Kompany, xataa haddii ay kooxdu u dhaadhacdo heerka labaad xilli-ciyaareedkan. (Football Insider)
Barcelona waxay la xidhiidhay tababaraha reer Portugal ee Roberto Martinez oo ay doonayaan in ay xagaaga u magacaabaan tababarahooda cusub maadaama uu ka tegayo Xavi Hernandez. (Football Transfers)
Chelsea, West Ham, Juventus, AC Milan, Nice iyo Lyon ayaa dhamaantood xiisaynaya difaaca bidix ee reer England ee Archie Brown oo ah 21 jir u dheela kooxda Gent. (Standard)
AC Milan waxay si dhow ula socotaa xaaladda goolhayaha Arsenal ee Aaron Ramsdale oo ay doonayaan inuu u noqdo beddelka goolhayaha reer France ee Mike Maignan. Waxa kale oo doonaya Ramsdale kooxda reer London ee Chelsea. (Standard)
Zinedine Zidane ma doonayo inuu tababare ka noqdo horyaalka waddanak Ingiriiska, waxaana uu haystaa laba sababood oo uu ku diidayo inuu noqdo macallinka Manchester United. (The i)
Liverpool waxay ku kalsoon tahay inay sii xajisan doonto difaaceeda bidix ee Andy Robertson oo 29 jir ah, kaas oo ay si weyn u doonayso Bayern Munich. (Football Insider).
Be the first to comment