Waxaa la soo saaray 10-ka ciyaaryahan ee ugu fiican horyaalka Premier League waqti xaadirkaan.
Horyaalka heerka koowaad ee England ayaa taageerayaasha siinaya mid ka mid ah xilli ciyaareedyadii ugu fiicnaa iyadoo Liverpool, Manchester City iyo Arsenal ay ku dagaalamayaan kaalinta 1aad ka dib 26 kulan oo la ciyaaray.
Dhab ahaantii, sagaal ka mid ah tobanka magac ee ku jira liiska ciyaartoyda la soo saaray, waxay u ciyaaraan seddexda kooxood ee horyaalka ku tartameysa.
Qiimayntan waxay ku saleysan tahay ciyaartoyda ugu fiican Premier League waqti xaadirkaan, waxayna isagu jiraan difaacyo iyo weeraryahano.
Waxaa kaalinta koowaad galay xiddiga Manchester City Kevin de Bruyne kaasoo sannadihii ugu danbeeyay wacdarro ka dhigayay Premier League. Inkastoo uu xilli ciyaareedkan shan bilood ku seegay dhaawac hadana waa ciyaaryahanka ugu caawinta badan Man City isagoo kaliya saftay 12 kulan.
Waxa uu kaalinta 1aad ka galay saaxiibkiisa Erling Haaland kaasoo ah mashiinka goolasha ee Manchester City. Halka xiddiga Liverpool Mohamed Salah uu soo galay kaalinta seddexaad isagoo ah xiddiga ay ku tiirsan tahay Reds xilli ciyaareedkan.
Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Declan Rice ayaa kaalinta 4aad ku jira iyadoo shanta ugu sareysa uu dhameystirayo daafaca iyo kabtanka Liverpool Virgil van Dijk.
10ka Xiddig Ee Ugu Fiican Premier League:
10.) – Son Heung-min
9.) – William Saliba
8.) – Bukayo Saka
7.) – Phil Foden
6.) – Rodri
5.) – Virgil van Dijk
4.) – Declan Rice
3.) – Mohamed Salah
2.) – Erling Haaland
1.) – Kevin De Bruyne
Be the first to comment