Khabiirka BBC Sport Chris Sutton ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca 26aad ee Premier League ee la ciyaayo Sabtida, Axada iyo Isniinta.
Kulanka ugu xiisaha badan ee todobaadkan waa kulanka Manchester Derby ee garoonka Etihad Stadium ku dhexmaraya kooxaha deriska ah ee Man City iyo Man United.
Chris Sutton ayaa saadaashiisa waxa uu dhulka ku jiiday kooxda Shayaadiinta Cas Cas isagoo saadaaliyay in Man City ay 6-1 ku xasuuqi doonto Man United.
Kooxda hogaanka u heysa Premier League ee Liverpool oo booqan doonta Nottingham Forest ayuu u saadaaliyay inay 2-0 ku badin doonaan.
Halka kooxda kaalinta 3aad e Arsenal oo ciyaareysa habeenka Isniinta uu u saadaaliyay inay 3-0 kaga badin doonaan kooxda ay marti u noqonayaan ee Sheffied United.
Chelsea oo xaalada ay ku xun tahay ayaa Sabtida waxa ay booqan doontaa kooxda mayalka adag ee Brighton iyadoo Sutton uu saadaaliyay in Chelsea ay barbaro 1-1 kala soo laaban doonto ciyaartaas.
Tottenham oo gurigeeda kula ciyaareysa Crystal Palace wuxuu u saadaaliyay guul 3-0 ah, halka kooxda kaalinta afaraad ee Aston Villa oo Sabtida booqaneysa Luton uu u saadaaliyay guul 3-1 ah.
Saadaasha Chris Sutton ee Premier League
Premier League – isbuuca 26aad | ||||
---|---|---|---|---|
Goorma? | Saadaasha | |||
SABTI | ||||
Brentford v Chelsea | 1-1 | |||
Everton v West Ham | 1-0 | |||
Fulham v Brighton | 2-1 | |||
Newcastle v Wolves | 2-1 | |||
Nott’m Forest v Liverpool | 0-2 | |||
Tottenham v Crystal Palace | 3-0 | |||
Luton v Aston Villa | 1-3 | |||
AXAD | ||||
Burnley v Bournemouth | 1-1 | |||
Man City v Man Utd | 6-1 | |||
ISNIIN | ||||
Sheff Utd v Arsenal | 0-3 |
Be the first to comment